Somaliland: Maamulaha Madaarka Hargeysa Oo Ka Jawaabay Eeddo Uu Wasaarada U Jeediyay Boqor Raabi

0
797

Maamulaha madaarka Hargeysa Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii Boqor Raabi ee ahaa in laga hor istaagay Madaarka Hargeysa inuu ka dhoofo si uu u soo guto waajibaadka Xajka, waxaanu sheegay in hadalkaas Boqorku uu yahay waxba kama jiraan balse sababta loogu diiday inuu dhoofo ay tahay inuu jabiyey Sharcigi Socdaalka oo uu la kulmay Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Somaliya oo taraanstid ku ahaa Madaarka Hargeysa.

Maamulaha Madaarka Hargeysa oo arintan ka hadlaya ayaana yidhi “Xalay (Habeen hore), TV-yada iyo Warbaahintaba waxaynu ku arkaynay nin Boqor ah oo ka cabanaya Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Madaarka, Ninkaas dhawaaqii ka soo yeedhay ama hadalkiisa waxa ka mid ahaa in laga joojiyey isaga oo gudanaya waajibaadkii Xajka, ama amar kaga yimid Masuuliyiinta Wasaaradda dartood loogu diiday sababihii uu cuskanaayey ama waxyaabihii uu cuskaanayey waxa ka mid ahaa abaabul shirar reero oo Warbaahinta iyo Umadda oo dhan u caddeynayaa, meel ama amar aanu kaga joojinay boqorka isagoo soo gudunaya waajibkaadka haba yaraate waxaan halkan kaga caddeynayaa in aanay jirin,cid bixisay cid ka hor istaagtay iyo cid u diiday haba yaraate ma jirto.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Waxaan kale oo aan caddeeynayaa qofka muwaadinka ah ama qof kasta ee Madaarka Hargeysa ka dhoofaya qodobka kaliya ee lagaga hor istaagi karo socdaalkiisa isagoo Fisihiisa, Basaboorkiisa iyo Dhikumantiskiisu sax yihiin inay tahay warqad Maxkamadeed waxaasi hore ayey noo soo martay, qof la dacweynayo ama cid is dacweynaynaysa oo Maxkamadda warqad ka soo goostay qodobkaas ayaa qofka socdaalkiisa lagu joojin karaa, cid kale ayaan joojin Karin,Laanta Socdaalka ayaan joojin Karin, marka kowaad  dadweynaha reer Somaliland waxaan u caddeynayaa  sababta qofka socdaalkiisa looga joojin karaa in qodobkaas tahay, mar labaadka  Boqor Raabi haddii uu cadaystay aflaagadada iyo wax ka sheega Masuuliyiinta Dawladda waxaan jecel ahay inuu ka waantooba dhaliilaha iyo cambaaraynta meel aan ka mudnayn inuu ka waantoobo ayaan u soo jeedinayaa, in badan buu Boqorku dhaliilo Wasaaradda ah uu ka sheegay Madaarka , qofku  haddii uu soo dhaafo xadkii loogu talagay waxa qurux badan in Warbaahinta iyo sida ay wax yihiin loo sheego, waxa jirtay sida aad warbaahinta ku aragteen niman masuuliyiin ah oo taraanstid  ku ahaa Madaarka oo ka tirsanaa Dawladda Somaliya, nimankaasi waxay iskugu jireen Wasiiro, Taliyihii Sirdoonka ee hore iyo niman badan oo kale wuxuu damcay Boqorku inuu kula kulmo Madaarka Hargeysa sharcigu socdaalkuna waxa uu fasaxaya qofku meelkasta ha ka soo jeedee haddii uu Madaarka ka dhoofayo inuu Madaarka taraansid  uu ku ahaado, Boqorku kulankaas uu la kulmayey  Masuuliyiinta Somaliya ka tirsan ayaa  loo diiday oo lagaga hor istaagay.”