Somaliland: Baaq Nabadeed Ee Siyaasi Talyanle U Diray Ceel-Afweyn

0
906

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cabdiraxmaan Talyanle), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa ka hadlay xaalada ka taagan Deeganaada Waqooyiga Maroodijeex ee keentay in Mudanayaal ka tirsan  Wakiiladu ay iska soo hor jeestaan, hanjabaadana warbaahinta isku mariyaan, waxaanu Xildhibaanada Wakiilada ugu baaqay inay Qaranka iyo maslaxada Umadda ka shaqeeyaan ee aanay ku soo hoos noqonin Qabiil.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cabdiraxmaan Talyanle), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalkii ka dhacay Deegaanka Dararweyne iyo xaalada Magaalada Laascanood, waxaanu ku taliyey in lagu dadaalo ilaalinta nabadgalyada, waxa kale oo uu bogaadin u soo jeediyey Wargeyska Geeska Afrika oo uu ku tilmaamay inuu yahay Wargeys dhex dhexaad ah, waxaanu isaga oo arimahan ka hadlaya uu yidhi “Haddii aanu nahay Mudanayaasha Golaha Wakiilada, waxaanu u dhaaranaya in aanu daacad u ahaano Qaranka iyo Umaddaba, waxaanu nahay sharci-dejin,waxa nagu waajib ah in aanu dadka si siman oo cadaaladi ku dheehan tahay ugu shaqeeyno, waxaan  se aad uga xumahay in saaxibadayda aanu isku Golaha nahay ee Xildhibaanada ahi ay Warbaahinta isku mariyaan hadalo xanaf leh oo aan Qaranka iyo Umaddaba dan u ahayn, waa dhab in qof walba Qabiil yahay,balse muhiimadu waa in Qabiilka mar walba ka eegnaa dhinaca wanaagsan oo aanan ka eegin dhinaca xun, waxaana ku waaninaya Xildhibaanada labada dhinaca iyo Xildhibaanada kaleba in mar walba ka shaqeeyaan maslaxada, midnimada iyo qaranimada Shacabka Somaliland, arintan ka taagan Waqooyigana waxaan  rajeeynayaa inay ku dhammaato wanaag iyo is fahan”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle mar uu ka hadlaayey dagaalkii ka dhacay Deegaanka Dararweyne ayaa yidhi “Aniga oo ah Xildhibaan reer Sanaag ah, waxaan tacsi u dirayaa dadkii ku dhintay dagaalkii ka dhacay Dararweyne, waxaana ILLAAHAY uga baryayaa inuu u naxariisto oo jannadda waraabiyo, dadkii ku dhaawacan tayna waxaan uga baryayaa inuu caafimaad siiyo, waxaana Labadan Beelood leeyahay waxaynu ku jirnaa Tobankii Cisho ee khayrka badnaa, ee dagaalka joojiya, oo dhiiga daadanaya joojiya, oo heshiiska qaata, dagaalkuna dhib mooye ee dheef ma leh, akhiro ayaa inaga dambaysa, oo la kulankii ILLAAHAY ayaa inaga dambeeya, dhiiga qofka islaamka ah ee la daadiyaana dhibka uu leeyahay weynu ognahay ee labada dhanba waxaan leeyahay nabada inoo wada dan ah ee nabada qaata”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle mar uu ka hadlaayey xaalada Magaalada Laascanood ayaa yidhi “Magaalada Laascanood dilal baa ka dhacay,in dadkii dilalkaas geystay sharciga la hor keeno ayaan ku baaqaya, waxaana dadweynaha reer Laascanood leeyahay amniga iyo amaanka ayaa inoo wada dan ah ee cid walba oo dhib wada iska dhex qabta, oo cadawgu yaanu idinku soo gababin, oo xasiloonida ilaaliya”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle mar uu ka hadlaayey Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Wargeyska Geeska Afrika waa Wargeys muxtarim ah oo dhex dhexaad ah, oo qora warar dhex dhexaad ah iyo barnaamujyo faa’iido bulshada u leh,  Warbaahinta kale ee dalkuna inay sidaas oo kale noqdaan ayaan kula talinayaa, waxaana Maamulka iyo hawl-wadeenada Wargeyska Geeska Afrika ku dhiirigelinayaa inay halkaas dadaalka ka sii wadaan oo dhex dhexaad sidaas u ahaadan”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle ayaa mar uu la hadlaayey Warbaahinta kala duwan ee dalka ayaa yidhi “Warbaahinta qaybaheeda kala duwan, waxaana farayaa oo aan leeyahay mar walba iyo wakhti kasta baahiya warar dadka iyo dalkaba dan u ah, oo ka dheerda warararka  colaada wata ee iska hor keenaya dadka,oo tabiya wararka nasteexa ah ee dadka isku soo dhaweeynaya maslaxadooduna ku jirto”