Somalia: “Waxaanu Iska Difaacnay Weerar Ay Xalay Ciidammo Mareykan Ah Nagu Soo Qaadeen” Kooxda Al-shabaab.

0
947

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay iska difaacday weerar ay kusoo qaadeen ciidamo Mareykan ah oo xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Toora-tooroow ee gobolka Shabeellada Hoose.

Warbaahinta Al-shabaab, ayaa baahisay in Ciidammo Mareykan oo gaarayay tobaneeyo ay soo weerareen deegaanka Toora-toorow ayna iska difaaceen, iyadoo idaacadda ku hadasha Afka Al-shabaab ee Andalus ay baahisay in Toora-toorow uu ka dhacay dagaal in muddo ah socday.

Sidoo kale, Idaacadda Al-shabaab ayaa intaas ku dartay in dagaal-yahanno ay Goobtaas ku sii Diyaariyeen, isla markaana Dagaal adag ay la galeen, ayna Ciidamadii Weerarka ku soo qaaday iska difaaceen.

“Ciidamada Weerarka soo qaaday waxaa Taageerayay Diyaarado dagaal, waxayna gantaallo dhawr ah kusoo rideen deegaanka Toora-toorow, mid ka mid ah gantaallada ayaa ku dhacay dhabarka dambe ee saldhig aan deegaankaas ku leenahay,” ayaa lagu yiri warka ay baahisay Al-shabaab.

Dhanka kale, Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo Somali ah ay weerarkaas ka qayb-qaateen, inkastoo aysan jirin Warar kasoo baxay Dhanka Dowladda Soomaaliya oo xaqiijinaya in ay ciidamadoodu ku lug lahaayeen weerarkii xalay lagu qaaday Toora-toorow.

Hawl-gallo noocan oo kale ah, ayay dhawr jeer Ciidanka Mareykan ah iyo kuwa Dowladda Somalia ee Kumaadoosta ahi ka fuliyeen Deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose iyo Jubbooyinka, kuwaasoo lagu dilay saraakiil ka tirsanaa Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Illaa hadda ma jiraan warar ku saabsan weerarka ay Al-shabaab sheegtay in lagu soo qaaday ayna iska caabiyeen oo kasoo baxa dhanka Xukuumadda Mareykanka.