Wasiirka Aw-qaafta Oo Asaraar Ku Tilmaamay Wefti reer Soomaaliya Ah Oo La Sheegay In Uu Ku Qaabilay Hargeysa    

“Waxaannu Halkaa Ku Kulannay Oo Goob-Joog Ahaa, Xubno Ka Tirsan Soomaaliya, Waxana Dhacday In Halkaa Oo Dabcan Ay Iyaguna Fadhiyeen Aan Markaa  Ka Jeediyay Wacdi Guud”

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin warar sheegay in xubno uu isagu ku jiraa ay   lan kula qaateen Mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya oo socdaal ku yimi Somaliland. Xubnahan reer Somaliya ayaa warka uu Wasiir Khaliil beeninaya sheegay in kulankoodu ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, hase  yeeshee waxa uu Wasiirku ku dooday inuu khudbad Diini ah u jeediyay Xujaajta reer Somaliland iyo Reer Soomaaliya-ba leh oo Xajka u baxayey, balse aanay jirin kulan dhexmaray Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya. “Waxaan ugu yeedhay Saxaafadda in aan ku caddeeyo in aanay waxba ka jirin qaabkii ay u dhigeen dad Xukuumadda Soomaaliya ka tirsan oo isugu jira Culimo-awdiin iyo Masuuliyiin kala duwan oo Xajka ku socday oo taraansid ku ahaa Madaarka Cigaal. Sidaad ka warqabtaan Xujaaj badan baa innaga baxaysay oo innagana joogtay Madaarka oo aan u tagay in aan sii sagootiyo.” ayuu yidhi Wasiir Khaliil oo Warbaahinta la hadlay dorraad.

Waxaana  Wasiirka Diinta oo sii watay hadalkiisu  yidhi; “Waxaannu halkaa ku kulannay oo goob-joog ahaa, markaan wacdiga jeedinayay xubno ka tirsan Soomaaliya, Culimo-awdiin iyo Oday-dhaqameedyo runtii ka socday Soomaaliya oo iyaguna taraasid (Hakad) ku ahaa Madaarka, kuwaasoo diyaaradda raacayay. Waxa dhacday markaa in aan halkaa ka jeediyay Wacdi guud oo aan la hadlay dadkii Xujayda ahaa, dabcan ay iyaguna goobjoog ahayeen oo ay meesha fadhiyeen. Waxaase warka loo dhigay in aannu soo dhawaynay iyaga ama aannu u tagnay iyaga dartood oo aannu ku soo dhawaynay Madaarka.” “Haddiise laga faa’idaysatay goobjoognimaddii dadkayagii Xajka u baxayay wacdigoodii iyo wax u sheegoodii, waxaan arkayaa inay tahay arrin sida xun loo dhigay oo runtii la majaro habaabiyay, taasoo runtii aad odhan karto mararka qaarkood yacni walaalaheenna waxay keeni kartaa fursadaha caalamiga ah ee Madaarka Cigaal oo ay socdaal ku maraan mararka qaar inay si kale u dhigayaan Dadku.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Khaliil.