Somaliland: Saddex Qof oo ku Dhintay Mudaharaad Rabshado Isu Bedalay oo Shalay ka Dhacay Magaaladda Laascaanood

0
1028

Saddex qof ayaa ku geeriyooday dhawr qof oo  kalena way ku dhaawacmeen mudaharaad  rabshado isu bedalay  oo shalay ka dhacay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.Mudaharaadkaasi oo ay samaynayeen dad  shacabka ah oo  la sheegay in ay  ka gadoodeen  dilal qorshaysan oo dhowaan  ka dhacay magaaladaaasi oo aanay maamulka gobolku cid-na u soo qaban.

Waxaanay wararku sheegayaan in iyadoo uu  mudaharaadkaasi  socda  in    askari boolis ah oo  ka tirsan ilaaladda taliyaha qeybta Sool, in   ay rasaasi kaga qaraxday  askari kale    oo amar diido sameeyay.Dilka ninkaasi oo askariga ah markii uu dhacay ayaa mar qudha waxaa is-bedelay wejiga mudaharaadkii ay dhigayeen dadkaasi shacabka ah, iyadoo uu halkaasi ka bilaabmay  iska hor imaad u dhexeeyay ciidamadda booliska iyo shacabkii mudaharaadayay.

Iska hor imaadkaasi dhex maray ciidamadda booliska iyo mudaharaadeyaasha ayaa sababay in uu ka dhashay khasaare nafeed iyo bur-bur soo gaadhay hanti  kala duwan oo dawladeed.  Waxaana   rabshadahaasi ku dhintay askari  kale iyo qof shicib ah, halka dhawr  qof oo kalena ay dhaawacmeen.  Sida  uu sheegay maayarka magaaladda Laascaanood Cismaan Saleebaan Jaamac.

Maayarku waxa uu sheegay in dadka mudaharaaday ay gubeen saldhiga dhexe ee booliska magaaladda Laascaanood, iyagoo gubay baabuur ay lahaayeen taliska qeybta booliska Sool, iyo sidoo kale  khasaare u geysteen xafiiska wasaaradda hawlaha guud ku leeyahay Laascaanood iyo meherado ganacsi.

Mudaharaadyadaasi  shalay khalkhaliyay magaaladda Laascaanood ayaa markii dambe waxaa xaaladda dejiyay, isla markaana caadi ku soo celiyay ciidamadda milateiga  a  qeybta  7-aad,  oo degan meel u dhow  Laascaanood.

“Beryahan dambe waxaa jiray dilal qorshaysan oo ka dhacay magaaladda Laascaanood, waxaana dhacday in   dad mudaharaadeyaal ah oo arrintaa ka cadhaysan, oo leh dilalka qorshaysan ee aan cid-na loo qaban, waa in laga jawaabaa oo maamulka gobolku wax ka qabtaa ayaa iyadoo hawshaa lagu jiro  waxaa dhacay dil nin boolis ahaa oo amar diiddo sameeyay, oo  uu u gaystay askari.  kadib  halkaas oo nin askari ah xabadi kaga dhacday  ninkaas oo dhintay. Intaasi oo is-kaashatay, markaa mudaharaadkii wuu is-bedelay,”ayuu yidhi Maayarka Laascaanood.Waxaanu intaasi ku daray “Shacabkii ayaa gadooday, waxay qabsadeen saldhiga dhexe ee booliska, xafiiska wasaaradda hawlaha guud   ayay burburiyeen, gaadhina wuu gubtay.  Khasaarahaas  ayaa dhacay nin kaloo boolis  ah ayaana  dhintay iyo qof shicib ah.  Markii  ay intaasi dhacday kadib ciidamada milateriga qeybta 7-aad, ayaa amaanka gacanta ku dhigay, oo  saldhigiina qabtay oo dadkii ka saaray. Ninka hore waxaa dilay taliyaha qaybta askar la socotay ayay xabadu kaga dhacday, si aan ku talo-gal ahayn ayay ugaga dhacday, isagaana qaaday oo cusbitaalka geeyay, aad-na uga xumaa, oo dul fadhiyay xataa intii uu dhimanayay. Qadar uun arrin ku dhacday ayay ahayd laakiin arrin la odhan karo taliyaha qaybta booliska ayaa toos u gaystay lama odhan karo.”

“Baadhitaanadda la sameeyay waxna waa la hayaa, waxna wa alagu daba jooga, waxoogaa waa la moodaa in aanu gaabis ka yaro nahay halkaa, waananu delaalay-naa dhibaatada aduunka oo dhan ka jirta, ayaanu la qabnaa dilalka qorshaysan,”ayuu yidhi Maayarka Laascaanood oo shalay u waramay laanta afsoomaaliga ee idaacadda BBC-da.

 

Dhinaca kale mar wax laga waydiiyay maayarka in ay cid u soo qabteen ilaa hadda rebshadihii magaaladda Laascaanood ka dhacay, waxa uu ku jawaabay “Maya, ma jirto cid loo qabtay rebshadahaasi. Hadda dejinta xaaldda ayaa lagu jiraa. Xukuumadda dhexe cid ayay u soo dirtay, booliskuna baadhitaan ayuu ku jiraa, dib ayaananu ka soo sheegi  doonaa natiijadda. Xaaladda magaladu way degan tahay, ciidamadda mialteriga iyo booliska ayaana jooga”ayuu yidhi Cismaan Saleebaan.

Ugu danbayn maayarku waxa uu ka hadlay  tallaabada xigta ee ay doonayaan in ay dadka shcabka ah ku dejiyaan,waxaanu yidhi  “Tallaabadda noo xigtaa waxay tahay, nabadgelyadda in laga shaqeeyo. Dadkana aanu ku dejino xasiloonida. cid kastoo wax gaysatana aan laga hadhin ee laga daba tago.”

Mudaharaad2Mudaharaadkii-laascaanood