Somaliland: Heshiiskii Lagu Wareejinayay Dekedda Berbera Oo Maanta La Kala Saxeexanayo.

0
776

Cabdiraxmaan Saylici, Cabdishakuur Cidin, Faysal Cali Waraabe Iyo Wajiyadii Ku Cusbaa Wadahadalada Heshiiska Dekedda

Heshiiskii xukuumadda Somaliland ku wareejinaysay dekedda Berbera oo muddooyinkii u dambeeyey warar kala duwani ay ka soo baxayeen ayaa ugu dambayn maraya marxalad gabo gabo ah.

Waftigii Somaliland ku metelayay wadahadalo labadii todobaad ee u dambeeyey ka socday magaalada Dubai ee isu tagga imaaraadka Carabta una dhexeeyey xukuumadda iyo shirkadda DP World ayaa sheegay in heshiiskaasi maanta la kala saxeexan doono.

Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Cali Shoombe ayaa dhamaan shacbiga Somaliland ku wargaliyey in heshiiskaasi marayo halkii ugu dambaysay maantana kala saxeexan doono waxaana uu yidhi:

“waxaan idiin sheegayaa dhamaan reer Somaliland inaanu ku heshiinay qodobadii sidii ay u dhamaayeen anaga iyo sherkadda DP World baritoolena ay noqonayso saxeexi kama dambaysta ahaa. waxaanu shir la galnay guddoomiyaha DP World Mr Sultan oo aanu isla qaadanay qodobadii aanu hore u soo falanqaynnay markaa heshiiskii kama dambaysta ahaana barri ayaa la saxeexayaa ku farxa”.

Waftiga Xukuumadda Somaliland uga qaybgalaya wadahalada ay la lahayd sherkadda DP World ayaa waxaa doorkan ku jiray wajiyo cusub oo aan shirarkii hore qayb ka ahayn waxaana ka mid ahaa guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Madaxwayne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxman Saylici iyo maayirka magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin.