Somaliland: Dibad-baxyo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Magaalada Laascaanood.

0
853

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta ay dibad-baxyo rabshada wata oo laga soo horjeedo dilal maalmihii u danbeeyay ka dhacay Magaalada Laascaanood ay ka dhaceen gudaha Magaalada Laascaanood.

Askari ka tirsan ciidanka iyo qof shacab ah ayaa ku dhintay rabshadahaa saaka ka bilaamay gudaha Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool sida shabakada wararka ee Somalilandtoday u xaqiiyeen masuuliyiinta gobolka Sool.

Dadkii dibad-baxayay ayaa la sheegay inay gubeen gaadhi ay leeyihiin ciidamada booliska Somaliland.

Imika Xaalada Magaalaada laascaanood waa degan wax xabad ahina kama socdaan balse waxaa jiraan dareen iyo kacsanaan taasi oo sababtay in shacabku ay guryahooda ku xaroodaan.