Somaliland: Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Oo Sheegay In Beesha SaMaroon Ka Maseereen, kana Xun Yihiin Wada Hadalka Beesha Dhulbahante Iyo Dawladda.

0
1225

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi oo ka hor intii aan laga soo badalin wasaaradda Duulista guran jiray lacago laga qaado qof kasta oo madaarka ka dhoofaya oo marka la isku geeyo gaadhaya $14 ayaa haatan ku hawlan mashaariic uu magaca soo -xerogalinta qabiilka dhulbahante iyo taakulaynta abaaraha xoolo badan kaga daldalanayo khasnadda dawladda .

Maxamuud Xaashi ayaa dhawaan isu-xilsaary mashruuc uu jeedadiisa ku sheegay sidii is-faham siyaasadeed iyo isku-soo dhawaanshe looga dhex dhalin lahaa dawladda Somalilaland iyo beesha Dhulbante taasoo uu khasnada dawladda kaga qaato lacag doolar ah oo farabadan.Wasiirkan ayaa waxa uu dacaayado ku furay tabashooyin dhawaan ka soo yeedhay qaar ka mid madax-dhaqameedka reer Awdal oo ay kaga cabanayeen saamiga ay ku leeyihiin tirada guud ee xubnaha Golaha Wakiilada iyadoo uu wasiirku hadalkoodaasi ku tilmaamay mid ka dhashay werwar ay reer Awdal ka qabaan in hoos-u-dhac ku yimaado sadkii awood-qaybsiga dhismaha dawladeed ee Somaliland kaga soo hagaagi jiray iyo masayr ka xun yihiin inay beesha dhulbahante soo galaan Somaliland, sidaas darteedna ay nashuushadaynayaan dadaalka ay xukuumaddu ugu jirto sidii Dhulbahante loogu soo wada xidhi lahaa dawladda Somaliland .

Wasiirku waxa kale oo uu xisaab gaar ah u furtay lacagtii loogu talogalay in lagu taakuleeyo dadkii ku tabaaloobay abaaraha ee madaxweynahu amray in 25% miisaaniyada wasaaradaha laga jaro.Lacagtan oo laga bilaabo bishii April laga jarayey wasaaradaha ayaa waxa bilkasta toos loogu shubaa Akawnka gaarka ah ee Maxamuud Xaashi iyadoo bishii June oo kaliya loogu shubay lacag kor u dhaaftay toban bilyan oo Shillinka Somaliland ah. Mana jirto wax allaale wax lacagtaasi loogu qabtay dadkii ku caydhoobay abaarihii ba’naa ee 2015/2016.