Wasiirka Wasaarada diinta iyo aw qaafta Somaliland sheekh khaliil cabdilaahi Axmed,  ayaa beeniyay inuu kulan la yeeshay masuuliyiin ka Socday dawlada somaliya,waxaana uu cadeeyay Masuuliyiintaasi safar ku ahaayeen madaarka oo aanu jirin kulan uu la yeeshay.

Wasiirka oo shirjaraa’id ku qabtay Magaalada hargaysa ayaa cadeeyay in xukuumadda Somaliland iyo somaliya ay yihiin labada dawladood oo jaar ah,balse aanu jirin casuumad uu madaxwayne siilaanyo u fidiyay salaadiin iyo saxafiyiin lasheegay in ay xukuumadu soo casuuntay.

Sheekh Khaliil ayaa tilmaamay in Madaarka hargaysa yahay mid caalami ah oo bulshooyin badani ku kulmaan isaguna u tagay sidii u wacdiyi lahaa bulshada Somaliland ee xajka u baxayay.

“warka soo baxay xubno ka tirsan dawlada somaliya,saxafiyiin iyo oday dhaqameed oo runtii ku safar ku soo maray madaarka hargaysa iyaga oo xaga xajka u jeeda oo toban xubnood ah, ayaa waxa dhacday maalintii khamiistii in culimo iyo xubno ka mid ah dadwaynaha reer Somaliland oo ahaa xujaajtii baxaysay ka mid ahaa aan ugu tagay bookhasho sagootin ah ayaanu ku kulanay masuuliyiintaas dawlada somaliya ka tirsanaa,balse wax kale namay Dhexmarin.

Intaas waxa uu ku daray wasiirka diinta iyo aw qaafta Somaliland sheikh khaliilh cabdilaahi Axmed waxaana uu yidhi.”Lakiin wararkaas lagu qoray warbaahinta ee la leeyahay xukuumadda Somaliland iyo wasiiro ayaa soo dhaweeyay oo la- sheekaysta oo hadalo nadhex mareen wax ka jiraa majiraan warkaasi,waana arin si khaldan oon waafaq sanayn nidaamka siyaasadeed ee dalka uga faa’idaysteen.

Sheekh Khaliil ayaa warkaas ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin,waxaana uu cadeeyay in madaarka hargaysa yahay mid caalamiya oo ay ku kulmaan bulshooyin kala gadisan oo safar ku ah madaarka.

Geesta kale wasiirka ayaa tilmaamay inaanu madaxwaynaha Somaliland Masuuliyiintaasi ku soo casuumin Dalka,balse ay ahayeen masuuliyiin ku socday Sidii ay uga qayb gali lahaayeen xajka,waxaana uu yidhi.

“Waxaan runtii halkan ka Cadaynayaa inaanu madaxwaynahu noodirin wafti soo dhawaynayana aanu ahayn sida ay u dhigeena aanu xaaladu ahayn,madaxwaynahu namuu dirin salaana Noomuu dirin,waxaana ay masuuliyiintani ahaayeen niman aanu ku kulanay madaarka.

Intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi.”Salaanta islaamka ah ee ummada ka dhaxaysay ayuunbaa naga dhaxaysay hadii sawirada qaarkood la arkayna waanu isa salaanay balse ismaanu waraysan dadkaas safarka ah ayuunbay ahaayeen masuuliyiinta madaaraka soo maray.

Hadalkan ka soo yeedhay wasiirka diinta iyo aw qaafta Somaliland ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili ay warbaahinta madaxa banaani baahiyeen inuu wasiirku la kulmay masuuliyiin ka socday dawlada somaliya oo safar ku ahaa madaarka hargaysa kuna sii jeeday soo gudashada xajka,waxaana uu wasiirku warkaasi ku sheegay mid been ah oo aanay waxba ka jirin.