Somaliland: Madaxwayne Siilaanyo Oo La Filayo Inuu Kulan La Qaato Cuqaasha Iyo Waxgaradka Gobolada Awdal Iyo Salel Iyo Ujeedada Kulanku Daaran Yahay

0
846

Warar xog ogaal ah oo ay helayso shabakada Wargane-News ayaa sheegaya in la filayo in madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” uu maanta kulan la qaato cuqaal iyo waxgarad kasoo jeeda gobolka awdal iyo salel oo ku sugan magaalada hargeysa.
Waxaana kulankani uu daaran yahay sida naloo sheegay in cuqaasha,waxgaradka iyo madaxwaynuhu ka wada hadlaan xal u helida muranka mudooyinkii u danbeeyeyba ka taagan lix goobood oo ku yaala waqooyiga magaalada hargeysa oo lagu muransan yahay in ay ka dhacdo diiwaangalinta codbixiyayaasha Somaliland.
Lixdan goobood ayaa mudooyinkii u danbeeyey ay ka taagnayd muran xoogan iyada oo deegaanada qaarna laga dareemayo sansaan colaadeed oo laga cabsi qabo inay ka dhacaan dagaalo u dhaxeeya ciidamo gaadhay deegaanada iyo maleeshiyaad la sheegay inay galeen buuraha.
Sido kalena wararka nasoo gaadhaya ayaa waxay sheegayaan in kulan dhex maray gudida komishanka doorashooyinka qaranka,masuuliyiinta saddexda xisbi qaran iyo madaxwaynaha lagu gorfooyey diiwaangalinita ka bilaabmaysa lixdaa goobood iyada oo dood dheer ka dibna sida la sheegay laysla qaatay in la hakiyo diiwaangalinta ka bilaabmaysa deegaanada.