Somaliland: Yaa Leh Masuuliyda Dagaalada Khasaaraha Culus Dhaliyay Ee Ka Dhacay Degaanada Hoos Yimaada Degmada Ceelafwey?

0
1482

Dagalada Maalmihii u danbeyayba ka dhacayay Deganada Hoos yimada Degmada Ceel-afwayn gaar ahaana Deganada Darar-wayne iyo Dogoble ee sababay khasaraha isugu jiray dhimasho iyo dhaawacba ayaa la shegay inuu qayb ka ahaa Hurinta Degaalkani Boqor Buur-Madow oo hada ku sugan wadanka emirate carabta,

Iska horimadkani ka dhacay deganadani oo bilabmay muddo laga joogo bil ka hor ayaa dhamaystirka nabadayntii halkaasi ka socotay ayaa la sheegay inuu dabada jiiday isla markaasna aanu ogolayn wasiirka madaxtoyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo la tilmamay inuu qayb ka ahaa sii holcinta mushkilada coladeed ee halkaasi ka taagan.

Xukumada oo la filayay inay kaalin muhiim ah ka qaadato Nabadaynta iyo isu soo dhawaynta beelaha colaadu ka dhex taagan tahay ayaa gabi ahaanba ka gaabisay gacmahana kala baxday isla markaasna joojisay sii anba qaadida nabadayntii uu halkaasi ka waday wasiirkii hore arrimaha gudaha Cali Warancade oo isagu halkaasi ka bilabay nabadaynta iyo isu soo horfadhisinta labadaasi belood,
Khasaraha ay iska hor-imadadani sababeen oo la shegay inay dhimashadu gaadhayso ilaa 13 Ruux halka uu dhaawacuna kor u dhaafay afartameeyo qof,waxaana Khasaraha iska horimadkani lagala xisaabtami donaa masuliyiintii iyo madax-dhaqamedkani dabada ka riixayay ee uu ka mid ahaa boqor Buur-Madow oo la sheegay inuu ka muusa-naabayo Magalada Dubia. Hasa yeshee xukumada Somaliland ayaa laga sugayaa balse sida ay u maarayso ama u xaliso Colaada ka taagan Degaanada ay colaadu ka taagan tahay ee hos yimada Degmada Ceel-afwayn isla markaasna ay u xakamayso in aanay colaadani ku fidin deganada kale ee ay wada degan yihiin labadani belood,
Inkasta oo ay hada ciidamada qaranku ku sugan yihiin deganadii ay colaadu ka dhacday xaaladuna u muuqato mid hada degan balse waxa ay dhibatadu sii cusbonan kartaa ciidamadani hadii dib looga qaado deganadani iyada oo ay hore dhacday in ciidamadani laga qaaday degamadani iyada oo aan nabadayn laga dhalin beelihii is dilay taasina ay sababtay inay colaadu dib u dhacday.