Somaliland: Wararkii ugu danbeeyay: Khasaaraha Dhimasho iyo Dhaawac ee ka dhashay Iska Hor-imaadyadii Ka Dhacay Godhayli + Xaalada Oo…..

0
1779

Ilaa Kow iyo toban qof ayaa ku dhintay,halka Ku dhawaad Sodoneeyo kalen ku dhaawacantay ka dib iska horimaadyo beelaysan oo ilaa Saaka iyo shalay galab ka dhacayay degaamada Dararweyne iyo Godhayli oo ka tirsan oo degmada Celefweyn.

Saaka subaxnimadii hore ayaa iska horimaadkii cuslaa ka dhacay degaanka Godhayli,halkaasoo uu sababay khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac,haseyeeshee guutooyin ka mida ciidanka qaranka ayaa soo kala dhexgalay xabada oo dhacaysa halkaasoo la sheegay in askari ciidanka qaranka ahi ku dhintay.

Xaalada degamaadaasi ayaa degan ilaa galinkii dambe balse gudaha magaalada Celefweyn iyo fadhigaab ayaa la soo sheegayaa xaalad kacsan,inkastoo hal qof lagu dhaawacay magaalada Celefweyn.
khasaaraha dhimasho ee ilaa hada la xaqiijiyay labada dhinac ayaa lagu sheegay 11-Qof,halka dhaawaca lagu sheegayo inuu kor u dhaafay labada dhinac Sodeneeyo.

Goobaha dagaalku ka dhacay ayaa hada waxa ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa qaranka,balse waxa jira degaamada ay wada degaan labadan beelood oo iyana laga soo sheegayo xaalado kacsan,waxana deegaanada oo dhan soo buux dhaafiyay ciidan xoogan oo sugaaya kala danbaynta waxana la odhan karaa badiba goobahaasi waxa amaankooda hada la wareegay ciidamada qaranka oo ku soo celinaaya kala danbyntii goobahaasi hore uga jiri jiray.

Xukumadda Siilaanyo ayaa ka gaabisay in ay ka hor tagto khasaarahani hada ka dhacay goobtaasi oo in mudo ah loogu baaqaayay in ay gobahaasi ka soo fool leeyihiin colaado halis ahi, taasi oo ay xukumaddu ka dhego adaygtay, masiibadanina waa laga hortagi kari lahaa hadii ka hortag xoogan wakhtigii ay ku haboonayd la sameyn lahaa.