Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Xaaladaha kala duwan ee Somaliland mareyso, sida Dagaalka ka socda Deegaannada Ceel-Af-weyn oo uu ku baaqay in Gurmadkiisa la ballaadhiyo.

Sheekh Aadan-Siiro oo xaaladda Dalka ku eegaya isha Sunnaha Nebiga iyo Qur’aanka, ayaa isago ugu horeyn ka hadlaya Go’aan qaadashada wuxuu yidhi, “Waxaynu ka hadlaynaa Raadka ay Islaamka ku leedahay Go’aan qaadashada Umad Islaam ah oo meel ku nool, ama ha noqdo Hoggaanka markaa Dalkaa ka jira ama ha noqoto Beel meel ku nool, ama ha noqdo Nin Hoggaaminaya Koox meel loo diray.”

Sheekhu waxa kale oo uu sheegay, “Waxaynu joognaa Isbeddelo Maanta ka socda Dunida Islaamka ee aynu Innaguna ka mid nahay, Waayo? Ma nihin Dad ku nool Dhul kale oo Dunida ka baxsan, markaa dhacdooyinka Adduunku raad badan bay ku leeyihiin Arrimaha ka dhacaya Dunida Muslimiinta.

Waxaynu dareemaynaa Isbeddello badan oo Maanta ka jira Dalkan ILAAHAYA innagu abuuray ee (Somaliland), kaas oo aynu halgan dheer u soo marnay inay Dadku xor u ahaadaan Diintooda iyo Doonistooda ku salaysan Wanaagga.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Islaamku wuxuu diiday wax kasta oo Qofka Muslimka ah Xorriyadda ka qaadaya, waxaana la gaadhsiiyey xitaa Qofku haddaanu Muslim ahayn lagu khasbayo Diinta, maxaad u maleynaysaa wixii kale ee ka sokeeyay.

ILAAHAY wuxuu Qur’aanka ku sheegay inaan kuwa aan Muslimiinta ahayn aan laga caayin Dhagaxaantooda iyo Asnaabtooda ay Caabudayaan, si aanay ILAAHAY u caayin. Islaamku uga dagaalamo Xumaanta, Xumaanta uma yaqaanno Xorriyad, sidaa daraadeed waxaan doonayaa inaan si kooban uga hadlo Is-maandhaaf badan oo ka jira Dalka oo aan is leeyahay waxa sababaya Hoggaanka Waddanka oo laba weji ku shaqeynaya.”

Sheekhu waxa uu ka hadlay dhibaatada ka dhalata haddii ay kala duwanaadaan heshiisyada Masuuliyiinta Dal leeyahay wada galaan iyo waxa Dadka lagu dhaqayaa, waxaanu yidhi,

“Marka Hoggaanku wada tashado, ee waxaa lagu wada tashaday lagu wadi waayo Dadka oo Qaar ka mid ah (Hoggaanka Somaliland) intay waydaartaan wax kale ku shaqeeyaan waxay keenaysaa inay Dadku is-qabsadaan. Wada Tashigu muxuu tarayaa haddii marka la tashado Saddexdii Qof ee ugu waaweynaa ee inna hoggaaminayey si kale u shaqeeyaan, oo wixii lagu heshiiyey wax ka gedisan ay Ummadda u sheegaan.

Markaa waxaanu Xukuumadda iyo Goleyaasha Qaranka kula talinaynaa waar waxaad ku heshiisaan ee aad Ummadda u soo jeedisaan idinkoo isku og sideeda u fuliya idinkoo Caqli iyo xikmad isticmaalaya. Haddii kuwii idinka mid ahaa ee heshiiska fadhiyey ee aad wax isku ogaateen haddana wax kale Dadka u sheegaan, taasi waxay keenaysaa Fidmo aan dabo la qabto lahayn iyo in Ummaddu iska hor-timaaddo, waxayna faruureysaa wixii aynu ku heshiinay.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey, oo hadalkiisa sii wata, ayaa ka digay khatarta dhaqan ee ka dhalan karta Maandooriyaha Xashiishyadda oo uu sheegay in lagu iibiyo Hargeysa, “Qofkii xumaan arkaa Gacantiisa ha ku suuliyo, Xukuumadda Maxaynu u dooranay ?.

Ma Maanta ayaa Hargeysa gudaheeda dad Itoobiyaan ahi ku iibinayaan Xashiishad Laba Boqol oo shilin ah, oo ay Carruurteennii Gidaarrada kaga iibinayaan. Ummad Culimadeedii, Hoggaankeedii iyo intii Cilmiga iyo Caqliga lahayd seexdeen  ayaynu noqonaynaa marka laga warramo Arrimaha qaarkood, Xukuumadda ayay saaran tahay (Xashiisaddaa lagu iibinayo Suuqa Xisbiga Hargeysa).” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka hadlay Colaadda Ceel-Af-weyn, “Alle ha innaga qaboojiyo (dagaalka Ceel-af-weyn) Xukuumaddu way ka hawl-gashay oo Ciidamadii baa dhex taagan, haddana waxaanu leenahay dedaalka hala laban-laabo, si dagaalka oo baahay loo joojiyo Dagaa. Waa Dadkeennii Walaalaha ahaa (Kuwa dagaalamayaa) ee ha loo gurmado, kuwii dhintayna Alle ha u naxariisto.”