Somaliland: “Muranka Lixda Goobood Ee Waqooyiga Hargeysa Muuse Biixi Oo Musharax Ayaa Daba Ka Riixaya,Reer Awdal-na Way Ogyihiin Inuu Yidhi Faalka Ayaa Ii Qabtaye Ha La Iiga Codeeyo”

0
1117

“Dagaal Beeleed-yada Dalka Ka Dhacay Intii Uu KULMIYE Joogay 25-Sano Ee Hore Kamay Dhicin Taasna Waxaa Sabab U Ah Maamul Xumo”

“Dagaalka Wiilbaa Ku Dhintee Wiil Kuma Dhasho Laakiin Xukuumadda KULMIYE Malaha Dagaalka Waabay Ku Badisaa Oo Muddo Kordhin Ayay Ka Dayaysaa Balse Waxaanu Leenahay Halkaas Kuma Jirto” Axmed Muumin Seed-Waraysi Gaar Ah

Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Axmed Muumin Seed ayaa ka hadlay khilaafka dhuleed ee u dhexeeya gobolada Maroodi-jeex iyo Awdal oo muddooyinkii u dambeeyey falanqayntiisu hadhaysay magaalada Hargeysa iyo gobolada dalka intiisa kale.

Axmed Muumin Seed ayaa sidoo kale ka hadlay colaadda u dhaxaysa labada beelood ee walaalaha ee ku dagaalamay deegaanka Ceel Afwayn ee Gobolka Sanaag, waxaana uu Axmed Muumin Seed dhamaan masuuliyadda arrimahaas dusha ka saaray xukuumadda xisbiga KULMIYE oo uu sheegay inay dalka qalalaase iyo maamul xumo u horseeday, sidaasna waxa uu ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargayska Somalilandtoday.

Ugu horayn guddoomiye kuxigeenka WADDANI oo ka hadlay dagaalka beelaha walaalaha ah ku dhex maray gobolka Sanaag ayaa waxa uu yidhi:

“Runtii dagaal wiil ayaa ku dhintee wiil kuma dhasho, aad iyo aad ayaanu uga xunahay dagaalkaas labada beelood ee walaalaha ah u dhexeeya ee gobolka Sanaag waxaanana aanu labadaas beelood ugu baaqaynaa inay dagaalka joojiyaan” isagoo hadalkiisa sii wata ayuu guddoomiyuhu sharaxaad ka bixiyey sababaha ay dagaal beeleedyadu dalka ugu soo noq-noqonayeen sanadihii u dambeeyey waxaana uu yidhi ” horta 25-kii sano ee ay Somaliland jirtay xukuumadihii kala dambeeyey markii ay talada hayeen dagaal beeleedyadu ma dhici jirin balse intii ay xukuumadan KULMIYE talada dalka qabatay dagaaladu way soo noq-noqdeen waxaana aan odhan karaa taas waxaa sabab u ah maamul xumo dhinaca KULMIYE ah waayo KULMIYE markii hore xaalkiisa waa la ogaa markii uu talada qabtayna barigii waxa ka dhacaya waad arkaysaa, galbeed oo aanu waligii dagaal ka dhicin ayaad maanta waxa ka dhacaya la socotaan”.

Dhinaca kale Guddoomiye Axmed Muumin Seed ayaa ka hadlay xaaladda deegaanada lixda goobood ee doorashada ka caaganaa balse ay xukuumadda Somaliland sheegtay inay doorashada Madaxtooyada oo kaliya ka qabanayso, waxaana uu Axmed Muumin Seed caqli xumo ku tilmaamay in iyadoo aan xukuumaddu wax go’aan ah ka soo saarin gobolka ay deegaanadaasi raacayaan hadana ay ku adkaysato in sanaadiiq la gaynayo.

Sidoo kalena Guddoomiyuhu wuxuu Murashaxa madaxwayne ee xisbiga KULMIYE ku eedeeyey inuu arrinkan dabada ka riixayo reer Awdal-na ay taasi ogyihiin, waxaana uu yidhi

“Shirkii uu guddoominayay Madaxwayne kuxigeenku, Wasiirkii Daakhiliga oo Cali Warancadde ahaana ku wehelinayay dhinaca xukuumadda waxaa xisbiyada iyo komishanku ay isla qaateen in xukuumaddu kala xadayso deegaanadaasi gobolka ay raacayaan kadibna deegaanadii oo nabad ah sanaadiiqdii la geeyo maalintaas Cali Warancadde wuxuu sheegay in si dhakhso ah gobol loo raacin doono lixdan goobood, markaa anigu runtii arrinkan ma saari karo xisbiyada qaranka ee xukuumadda ayaa masuuliyadeeda leh, Madaxwayne kuxigeenka ayaa shirkaas guddoominayay wasiirkuna wuxuu ku hanjabayay inay deg-deg go’aan uga soo saari doonaan balse iminka xukuumaddu go’aan kamay soo saarin halka ay goobahani raacayan hadana sanaadiiqdii ayay gaysay arrinkana Reer Awdal way ogyihiin oo Muuse Biixi waa Murashaxa hadana isaga ayaa dabada ka riixaya oo yidhi lixdaas goobood faalka ayaa ii qabtaye hala iiga codeeyo”.

Axmed Muumin Seed ayaa sidoo kale xukuumadda KULMIYE ku eedeeyey inaanay rajo ka lahayn midnimada iyo badhaadhaha shacabka Somaliland waxaana uu sheegay inay taas bedelkeeda shaqaaqooyinkan soo noq-noqday ka deyayaan mar-marsiiyo muddo kordhineed waxaana uu yidhi:

“Xukuumaddda KULMIYE waxay u muuqataa mid aan dalkan midnimadiisa rajo ka lahayn waayo Madaxwaynihii iyo kuxigeenkii talada lahaa way joogaan oo waa xayi, walaw Madaxwayne kuxigeenkii dalka ka yar maqan yahay, arrimahana inay xukuumaddu go’aan ka gaadho ayay ahayd markaa wali doorkii xukuumadda ayaa maqan”

Ugu dambayn Axmed Muumin Seed, guddoomiye kuxigeenka xisbiga WADDANI ayaa iftiimiyey waxa sabab u ah in dhawaaqyada beelaysan ee waliba colaadda ku dhisani dalka ku soo kordhaan iyadoo habeen walba telefishadana iyo warbaahinta laga arko salaadiin iyo madaxdhaqameed hanjabaaya, waxaana uu yidhi:

“Marka ay arrimo noocan ahi soo baxaan waxa loo baahan yahay inay xukuumaddu talaabo qaado ilayn dalkii iyada ayaa ka masuul ahe, marka ay taasi dhici waydo ayay imanayaan dhawaaqyada beelaysan ee hawada la isu marinayaa, anagu ka xisbi ahaana mar walba shacabka waxaanu ugu baaqaynaa nabad-gelyada inay ilaaliyaan oo hadalada warbaahinta la isku marinayaa waxba ma soo kordhiyaane ay iska daayaan, dagaaladana waxaanu ku baaqaynaa in la joojiyo waayo dagaalka wiilbaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho laakiinse xukuumadda KULMIYE malaha way ku badisaaba dagaalka oo muddo kordhin ayaabay ka dayaysaa laakiin waxaanu leenahay halkaas kuma jirto” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Axmed Muumin Seed.