Somaliland: Madaxtooyada Oo Saadaalisay In Doorashada Madaxtooyada Iyo Wakiilada La Kala Qaadi Doono

0
986

Xukuumadda Somaliland ayaa saadaal toos ah ka bixisay in doorashooyinka Madaxtooyada iyo wakiilada la kala qaadi doono.

La-taliyaha Madaxwaynaha ee arrimaha doorashooyinka Cabdillaahi Cabdi Jawaan oo warbaahinta Hargeysa kula hadlay ayaa xaqiijiyey in doorashadii Madaxtooyadu hubaal tahay inay qabsoomayso balse waxa uu shaki galiyey ta wakiilada maadaama buu yidhi ay wali socdaan wadatashiga iyo shaandhaynta cabashooyinka beelaha ka soo yeedhaya, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Doorashadii Madaxtooyadu way dhacaysaa oo Madaxwaynuhu hore ayuu u cadeeyey anna xog ogaal ayaan u ahay, markaa doorashadii Madaxtooyadu toosbay u qabsoomaysaa qaddar alle wuu dhici karaa laakiin intaan ogahay diyaar ayaa loo yahay, Madaxwaynihii ayaa u diyar ah, komishankii ayaa u diyaar ah, hay’adihii inaga caawinayay doorashooyinka ayaa u diyar ah”

“taas baarlamaanka meelo badan ayay cabasho ka jirtaa murano ayaa jira markaa si aanay dadka qaar ugu arag inaan la dhegeysan ama aan la tix galin, cabashadoodii waa in shilinta iyo qodaxda laga dhameeyaa markaa waxay ku xidhan tahay hay’adaha hogaaminta markaa taas baarlamaanka way qabsoomaysaa iyo qabsoomi mayso midna odhan maayo laakiin wadatashigii ayaa socda”