Somaliland: Gabay Dheeg Laga Tiriyay Khilaafka Xisbiga UCID Oo Lagu Faaleeyay Ficilada Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

0
1163

Kaftan Siyaasadeed UCID- Qalinkii Cabdirashiid Caaqil

Siyaasada waa lagu kufaaye, Kaa ha la ogaado

Gabaygan oo ka hadlaaya xaaladaha siyaasadeed ee Somaliland iyo duruufaha xisbigga UCID

Waxaana laga soo dheegay ama xayiray gabaygii caanka ahaa ee Ilaahay haw naxariistee Abwaan Ismaaciil Mire. Waxaana tiriyey Cabdirashiid Caaqil.

MADAXDA-UCID

Kulligood xisbiyadda Rabboow, qaybsha kimistiiye

Kursi madaxweyne kolay ku tahay ama, kaa wasiiradda

Qof kastoo kabtiya ama kalaha, ama kulmiye raaca

Nin weliba wixii loo katibay, waa la kulansiine

Xisbina inaanu soo korodhsanayn, kaa ha la ogaado

Ninkase xisbi dhan kaashsadee, kadin irmaan maala

In karuurka uu qubo horay, kaafka ugu tiille

Muuse keligay weeyiyo, anaa kiin (king) ah baa rogaye

Faysal maankiisu waa sidii, kuray carruureede

Kas xumaa hoddaye Kulmiye, way kala fogaayeene

Siyaasadda waa lagu kufaaye, kaa ha la ogaado

Kelidii ma noqon Jamaal hadduu, mooday kootaliye

Kumanyaal dad ah muu fileyn, Filim kartoonkiiye

Kadeed iyo ciqaab bay badeen, kaarigii UCIDe

Kaskiisba ma gelin Cali Guraa, Keebka kuu qabane

Siyaasadda waa lagu kufaaye, kaa ha la ogaado

Jamaal dhuurta kooraha markuu, kor ugu laalaayey

Faysal Dhurwaa dhay iyo karuur, kala macaanaaye

Misna kala qadhaadhaa dhunkaal, kulanki dirireede

Kur dhanxiira kiiyo leh oo, kala ka dhaamaaya

Ayeey kadabkii go’yoow dadkii, kala huleeleene

Kaysaha adduun malintuu Sabce, kula kalaamaayey

Kelmadduu Haruun lahaa baa, haatan kula taale

Korantiyo Gacaytaa dagaalkii, Kaalin baas galay’e

Ragow kibirka waa lagu kufaaye, kaa ha la ogaado

Anaa kulmiye u hadhi ayuu, Kaahin eersadaye

Keybalkii ina Aw Siciid hadaa, Loo kaltiriyaaye

Karaamo seegtii Jiir ayuu, kohay gadaashiiye

Kaarkuba ma joogeen hadduu, keeno xikmad badane

Darbuu Faysal keenay intuu, kariyey waabeeye

Kala tuure xeerkii intay anshax, kunana sheegeene

Badmaax baa kaboolaha ku daray, kooxahaas darane

Siyaasadaa waa lagu kufaaye, kaa hala ogaado

Mid koodhadh waaweyn sitoo, si isu kuusaaya

Oo kelmadiisu been tahoo, filim kartoonkaasa

Kun wareegto haduu soo saariyo, weedho kala kaana

Oo aanay kaadirkiyo bulshadu, kowba odhaneeynin

Kun jeer Faysaloo dhacay hadduu, weli kadleeynaayo

Somaliland bay ceeb ku tahay, inuu kor joogaaye

Walee kambalkiyo ardaagu, kelidii taagnane

Kuray booda leedada sidii, Kaaha iyo Xaawa

Haduu kuutinaayoo caqliga, kastar laga saaray

Siyaasadaa waa lagu kufaaye, kaa hala ogaado

Kumanaan dad ah buu Jamaal, keenay berigiiye

Kaakici Faysalkii doorasho, laguna kaalmeeye

Waxse kadabkii go’ay maalintuu, kaday raggiisiiye

Kabaalkiisii baa jabay markuu, kiishka buuxsadaye

Ragow kibirka waa lagu kufaaye, kaa ha la ogaado

Mid kuwaa ka dhigan baan arkoon, kimis u laabneyne

Inta uu kashbacay oo kibroo, beeno ku kalaamay

Yuu niman Kulmiyiyo colba leh, kaalintood gelaye

Ka shib dhaha Islaanow xisbigga, kii necbaa gedaye