Somalia: Darawalkii Gaarka Ahaa Ee Maxamed Siyaad Barre oo Sheegay in Dawladda Soomaaliya Ay U Xoog-sheegatay

0
829

Kornayl ka tirsan Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Xaashi Furre, isla markaana ahaa Darawalkii gaarka ahaa ee Madaxweynihii dawladdii Millateriga Ahayd ee Maxamed Siyaad   sida uu sheegtay, ayaa cabasho ka muujiyey Guri uu sheegay in uu isagu lahaa, ay dowladda Federaalku   qasab   kaga qaadday isla markaana Waraaqihiisii oo dhan uu haysto oo Marhaati Sharci iyo Markhaati Dad-ba u haysto lahaanshaha Gurigaas oo uu sheegay in dowladdu ku dul-iibisay. Xaashi Furre, waxa uu sheegay in uu illaa Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah uga dacwooday, meelo badan oo kale oo Hay’adaha dowladda ka tirsanna u dacwooday, balse wax loo qabtay haba-yaraatee jirin, isla markaana Guriga oo Qoyskiisu deggan yahay Ciidammo la dulkeenay xoog kaga raray, agabkii Aqalkana ay ka burburiyeen. Waxa uu Kornayl Furre sheegay in haddii uu tego Gurigiisii intii dowladdii Millaterigu burtay wixii ka dambeeyey ay ugu dhasheen Sagaal Carruur ahi ay tooganayaan Ciidammada Hubaysan ee la geeyey Gurigiisa ee xoogga kaga saaray. Kornayl Xaashi Furre waxa kale oo uu sheegay inuu wakhtigan ka tirsan yahay Ciidammada Saraakiisha Ciidammada ilaaliya Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xaaladdiisana uu la socdo, isla markaana aanu haba-yaraatee wax jawaab ah ka helin. Taasina ay soo gaadhay heer uu Saxaafadda Muqdisho ugu soo bandhigo Cabashadiisa iyo sida loola dhaqmay-ba.