Somalia: Al-shabaab Oo Shaacisay Magaca Iyo Qabiilka Uu Kasoo Jeedo Ninkii Qarxiyey Huteel SYL Muqdisho

0
1105

Idaacadda Andallus ee ku hadasha codka Al-shabaab ayaa baahisay cod laga duubay ninkii fuliyey weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu qaaday hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Ninkan ayaa Al-shabaab waxay magaciisa ku sheegeen Jaabir C/llaahi Diiriye oo 44 jir ahaa, kuna dhashay degaanka Buusaar ee gobolka Gedo, waxayna Al-shabaab sheegtay inuu ka soo jeedo Beesha Mareexaan.

Jaabir C/llaahi Diiriye ayaa codka laga duubay ku sheegay in fulinta weerarkiisa uu Alle ugu dhowaanayo uuna naftiisa u hurayo leynta wax uu u ku tilmaamay cadowga Alle.

Ninkan oo watay gaari xamuul ah oo waxyaabaha qarxa lagu soo raray ayaa xoog ku soo jiiray goob ciidamada dowladu gaadiidka ku baaraan oo ku taalla agagaarka isgoyska Sayidka, wuxuuna gaariga uu watay ku dhuftay xeynaabka hotelka SYL oo ku dhow madaxtooyada Somalia.

Ugu yaraan 30 ruux ayaa ku dhintay weerarkan halka kontomeeyo kale ay ku dhaawacmeen kuwaasoo u badnaa askar iyo rayid goobtaas ka dhowaa, waxaana dhaawacyo fudud ay asoo gaareen wasiiro, xildhibaano, weriyeyaal iyo dad kale oo ku sugnaa gudaha hotelka SYL iyo dhismeyaasha ku dhow oo si xun u burburay.