Maraykanka Oo Sheekh Cabdiqaadir Muumin Ku Dartay Liiska Argagixisada Adduunka

0
975

Dowlada Mareykanka ayaa shaacisay iney Shiikh Cabdulqaadir Muumin ku dartay liiska argagixisada sida gaarka ah loo doon doonayo oo ay ku jiraan shaqsiyaadka iyo kooxaha la go’aamiyey inay halis ku yihiin Mareykanka.

Shiikh Cabdulqaadir Muumin ahaa hogaamiyaha Al-shabaab ee buuraha Galgala ayaa bishii October ee 2015 sheegay in isaga iyo dagaalyahano kale ay ka baxeen kooxdaas, isagoo madax ka ah koox ku xiran Daacish oo Soomaaliya ka jirta kuwaasoo fariisimo ku leh degaanada Puntland.

Waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa shaacisay in Cabdulqaadir Muumin uu ballaariyey kooxdiisa uuna afduubay wiilal da’yar oo 10 illaa 15 sano jiro ah, kuwaasoo uu qasbay inay ciidamo u noqdaan.

Go’aanka cusub ee Mareykanka kasoo baxay ayaa waxa uu farayaa dhammaan shaqsiyaadka iyo hay’adaha Mareykanka inaysan wax xiriir ah la sameyn karin Cabdulqaadir Muumin.

Mareykanka ayaa sidoo kale ogeysiinaya dadweynaha Mareykanka iyo beesha caalamka in Cabdulqaadir Muumin uu si firfircoon ugu lug lee yahay ficillo argagixiso loona baahan yahay in la soo qabto ama la dilo.