Somaliland: SONSAF Oo Warbixin Hordhac Ah Ka Soo Saartay Diwaangalinta Gobolka Sool.

0
1007

Warqaddii Lixaad ee Diiwaangelinta Codbixiyayaasha

Warbixinta Hordhaca ah, ee Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Gobolka Sool iyo Degmada Buuhoodle

Koobid:

Diiwaangalinta codbixiyayaasha doorashooyinka la filayo inay Somaliland ka qabsoomaan Sannadka foodda inagu soo haya ee 2017-ka ayaa si nabad galyo ah uga bilaabantay Gobolka Sool iyo Degmada Buuhoodle 23 August, 2016-ka. Diiwaangalinta Codbixiyayaashu waxay si guul ah hore uga soo qabsoontay Gobolada Togdheer, Awdal, Saaxil, Maroodi Jeex iyo Sanaag. Gobolka Soolna waxa uu noqonayaa gobolkii ugu dambeeyay ee dadka ku nooli isu diiwaangalinayaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamanka ee Somaliland.

Koox hawl wadeenno ka socdey Dallada SONSAF ayaa soo gaadhey hal usbuuc ka hor Bilowgii diiwaangalinta gobolka Sool, si ay tobabarro u siiyaan shaqaalihii goobjoogayaasha maxaliga ahaa iyaga oo kaashanaya, madasha ururada bulshada rayidka ah ee arrimaha doorashooyinka (SCISEF), kuwaas oo Dallada SONSAF ay u kala dirtay 76 goobood oo ka mid ah 175 goobood oo diiwaangalintu ka qabsoontay Gobolka Sool iyo Degmada Buuhoodle, oo u dhiganta 43% si ay uga soo warbixiyaan qaabka iyo hanaanka diiwaangalintu uga socoto guud ahaan Gobolka Sool iyo Degmada Buuhoodle.

Iyadoo wajigii koobaad ee diiwaangalintu soo gabagaboobay Arbacadii, 31, August, 2016-ka, wararka hordhaca ah ee ay soo tabinayaan goobjoogayaasha SONSAF ayaa tibaaxaya in guud ahaan diiwaangalintu si nabad galyo ah uga qabsoontay Gobolka Sool iyo Degmada Buuhoodle, illaa iyo imikana aan la soo sheegin wax amni darro ah oo dhacay.

Goob joogayashu waxa kale oo ay ku soo waramayaan in dadwaynaha Gobolka Sool ay si balaadhan ugu soo baxeen diiwaangalinta iyada oo dhammaan goobihii diiwaangalinta loo qorsheeyay ee Gobolka Sool ay shaqadoodii si habsi ah u wataan. Arrintan ayaa loo aanaynayaa inay la xidhiidho shirarkii nabadaynta ahaa ee dadka deeganadaas iyo Dawladda Somaliland ku dhex maray deegaannada Awr boogays iyo Adhi cadeeye iyo waliba magacaaabistii wasiirka arrimaha guddaha Somaliland Mr. Yaasiin Xaaji Maxamuud “Faratoon”, oo si weyn uga qeyb qaadatey in dad badani ay taageeraan diwaangalinta oo u arkey in kaalin weyn laga siiyey saamiga Somaliland ay ku leeyihiin dadweynaha gobolka Sool ku dhaqani, iyo in wasiirka laftigiisu uu olole weyn u galay sidii uu dadka ugu qancin lahaa iney qaataan kaadhka, isaga oo marey goobo badan oo gobolka ka mid ah. Arrintaasi waxa ay keentey in tiro badan oo dad ahi u soo baxaan diwaangalinta sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaashii maxaliga ahaa.

__________________________________________________________________

Warbixinta Guud

Diiwaangelinta codbixiyaaasha doorashooyinka soo socda ayaa si rasmi ah uga bilaabantay Gobolka Sool iyo Degmada Buuhoodle oo noqonaya Gobolkii ugu dambeeyay ee diiwaangalintu ka qabsoonto.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey oo ay ka soo qeybgaleen dhammaan danneeyayaasha arrimaha doorashooyinka Somaliland ayaa ka dhacdey xarunta hoolka hotelka Xamdi ee magaalada Laascaanood 21-kii August 2016-ka, oo ku yaal badhtamaha magaalada. Dhammaan danneeyayaashii ka soo qayb galay xafladdaasi waxa ay isku raaceen in taageero weyn la siiyo dhammaan dadweynaha ku dhaqan gobolka Sool iyo Buuhoodle sidii loogu wacyi galin lahaa iney is diwaangaliyaan, waliba si gaara xoogga loo saaro dhinaca amaanka oo ah lafdhabarta ay ku socon karto diwaangalintu.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siilaanyo’ ayaa booqasho daaran dhiirigalinta diiwaangalinta ku yimi Gobolka Sool toddobaadkii ka horreeyey diiwaangalinta, isagoo dadka gobolka degan ugu baaqay inay is diiwaangaliyaan. Magacaabistii wasiirka arrimaha guddaha Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud “Faratoon”, shirarkii isdaba yaalay ee Awrboogays iyo Adhi cadeeye iyo wadahadalada u socda dawladda Somaliland iyo Khatumo, iyo booqashooyinkii ay guddoomiyayaasha asxaabta qaranku ay ku tageen gobolka Sool, ayaa loo aanaynayaa inay iyaguna laf dhabar u ahaayeen sida toolmoon ee dadka ku dhaqan Sool iyo Buuhoodle ugu soo baxeen diiwaangalinta.

Goob joogayaasha SONSAF ayaa soo tabinaya in wacyigalinta dadwaynaha Gobolka Sool ee diiwaangalinta ay qayb laxaadle ka qaateen Cuqaasha gobolka oo si gaar ah u wacyi galinayay dadka ku nool deeganadooda.

Goob joogayaasha Maxaliga ahi waxa kale oo ay ku soo waramayaan in maalintii koobaad ee diiwaangalinta goobo badan oo gobolka Sool ka mid ah diiwaangalintu dib u dhacday ka dib markii muran iyo is fahamwaa ku saabsan gaadiidkii agabka diiwaangalinta qaadayay uu dhex maray gaadiidleyda iyo shirkaddii guddida doorashooyinka wakiilka uga ahayd gaadiidka diiwaangalinta, arrintaasi oo dedaal badan ka dib la xaliyey.

Gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle waxa dhammaan goobaha diwaangalintu ay ku shaqeynaayeen bilaa internet “offline”, taasi oo sababi karta in qof laba meelood iska diwaangalin karo, arrintani waa mid u gaar ahayd gobolka Sool oo qudha, oo aaney la qabin gobolladii hore oo ku shaqeynaayey nidaam Online ah. Si kastaba ha noqotee arrintani waa mid keeni karta walaac ah in dad badan oo ku noq-noqdey ay waayi karaan hadhow kaadhkii ay xaqa u laahaayeen marka Server-ku kala shaandheeyo.

Lama soo sheegin ilaa hadda wax dhibaato ah oo ka dhacdey goobihi loogu talo galay diwaangalintu in ay ka dhacdo degmooyinka gobolka Sool marka laga reebo goobta numberkeedu yahay 1124 ee ka tirsan degmada Xudun oo habeenimadii 29ka August ay koox hubaysani soo weerartay goobta diiwaangalinta iyadoo askartii ilaalinaysay goobtuna difaacday inan qalabka diiwaangalintu u gacan galin dablayda hubaysnayd.

Dhanka kale waxa jirey goobo waqooyiga Hargeysa ah oo qorshuhu ahaa in diiwaangalinta dadka deegannadaas ku nool mar lala bilaabo Gobolka Sool, arrintaasi oo illaa hadda muran weyni ka dhex taagan yahay dadweynaha deggan goobahaasi oo qaarna diidan yihiin, kuwa kalena ogol yihiin in ay ka dhacdo diwaangalintu. Wasiirka arrimaha guddaha Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Yaasiin Xaaji Maxamuud “Faratoon” ayaa wareegto uu asbuucan soo saarey ku sheegey in goobaha muranku ka taagan yahay ee waqooyiga Hargeysa ay ka dhaceyso diwaangalintu, balse dadku kaadhadhka ay qaataan ay ku gali karaan uun doorashada Madaxtooyada. Muranka goobahaas oo ah lix goobood oo ubucda khilaafka ka jiraa ku salaysanyahay mid xuduudeed oo u dhaxeeya Gobolka Awdal, Saaxil iyo Maroodi Jeex, ayaa imanaya xilli Wasaaaradda Arrimaha gudaha Somaliland aanay wali samaynin xeer kala xadeeya Degmooyinka iyo Gobollada Somaliland.

Dalladda ururada Bulshada rayidka ah ee SONSAF waxay ku dhiirigalinaysaa dhammaan dhinacyada ay arrintani khusayso in si xilkasnimo ka muuqato loo xaliyo khilaafka deegaannadaas oo sannado badan soo jiitamayay isla markaana aan awood loo isticmaalin in lagu xaliyo.

Geba-gebo

Wareegii Koobaad ee Diiwaangalinta Gobolka Sool iyo Degmada Buuhoodle ayaa si guul ah ku dhammaaday, iyadoo Gobolka Sool diiwaangalintu gaadhay dhammaan goobihii loo qorsheeyay inay diiwaangalintu ka qabsoonto, ee ku firidhsanaa gobolka oo dhan. Degmada Buuhoodle waxa illaa iyo iminka aanay diiwaangalintu ka hirgalin saddex goobood oo qorshaysnaa oo ay ka mid tahay gudaha magaalada Buuhoodle. Diiwaangalinta Gobolka Sool iyo Degmada Buuhoodle ayaa la filayaa inay si rasmi ah u soo gabagabowdo 19 September, 2016-ka.