Somaliland: Shahaadada Dhoktarayd (PHD) Ee Nabada Oo Lagu Abaal-Marinayo Xaaji Cabdi Waraabe.

0
1542

Jaamacada Hargeysa, gaar ahaan Mac-hadka Nabada iyo Xalinta Khilafaadka  (Institute of Peace and Conflict Studies), ayaa ku dhawaaqay in shahaadada dhokhtaraydka (Phd) la guddoonsiin dono Xildhibaan Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe).

Qoraal lagu baahiyey website mac-hadka Nabada iyo Xalinta Khilafaadka, ayaa lagu xusay in xildhibaanka ugu da’da weyn Golaha Guurtida Xaaji Cabdi Waraabe uu shahaadadan ku mutaystay maadaama uu muddo dheer qayb ka ahaa nabadaynta iyo horumarinta Somaliland.

Shahaaadadan, ayaa xildhibaan Cabdi Waraabe lagu guddoonsiin doonaa qallin-jebinta dufcada 13aad ee ka qallin-jelisa Jaamacada Hargeysa oo ku beegan September 4, 2016.

Waxa qoraalkan lagu sheegay in XildhibaanXaaji Cabdikariim u taagan yahay nabada iyo horumarinta Somaliland.

Cabdi Waraabe oo dhashay horraantii 1900aadkii waxa uu kamid yahay hoggaamiye dhaqameedka tiirka muhiimka ah u ahaa muddo dheer yagleelida iyo adkaynta nabada Somaliland.