Somaliland: Guddoomiye Muuse Biixi Oo Biyo Qabow Ku Shubay Warar Naxliyeysan Oo Xisbiga WADDANI Ka Faafiyey Lixda Degmo Ee Muranku Ka Taagan Yahay, Si Cilmiyeysanna u Sharraxay Xalka Uu Hayo

0
1044

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horraysay si cad uga hadlay muranka ka taagan lixda goobood ee muranku ka taagan yahay, kuwaas oo xukuumadda iyo Komishankuba dhawaan go’aamiyeen in diiwaangelin laga hirgeliyo.

Guddoomiye Muuse Biixi oo ka hadlayey madal ay ku qalin jebinayeen arday ka baxaysay Jaamacadda Timacadde ee gobolka Gabiley, ayaa meesha ka saaray tuhunka deegaanada qaarkood ka qabaan in goobahaasi ku wareegaan gacanta gobollada kale, isagoo si mug leh u sharraxay meelaha degmooyinkaasi raaci doonaan.

Guddoomiyubu waxa si cad u sheegay inaanay jirin wax xuduudo ah oo haatan dalka laga samaynayaa, isagoo hoosta ka xarriiqay in xuduudihii dawladdii Ingiriisku dhigtay yihiin qaar la raaci doono, waxana isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Maalmahan aad waxa loo hadal hayaa Lix Goobod oo codka diwaangalinta laga qaadidoono, waxaan doonayaa in aan cadeeyo marka hore sida uu distoorkeenu qorayo sida uu xeer- No/20 uu Qorayo, Xuduudaha Goboladu waxa weeyi kuwii Ingiriisku ka tagay gobolna gobolka kale uma dhaafikaro, degmana degmo kale uma dhaafi karto, Xuduudka Degmadii Hargeysa ee 1960-kii iyo Xuduudka Degmadii Borama la odhan jiray xadkooda waxa qoray oo tixraacay Dawladii Ingiriiska waana la yaqaana waxa allaale iyo wax laga bedelaya ma jirto, dadweynuhu ha ku iiman qabeen in Xududku tahay kuwii Lixdankii, Distoorkuna  sheegay Xeerka dawlada hoosena sheegay, haddii dadku wax qoonsadaan, waa in warbaahinta hadalo xun xun aan layskaga gudbin, waliba Qolada Galbeedka taasi may aqoonine waxan leeyahay ducadii inoo soo celiya oo inaga daaya Hanjabada layskula soo fadhiisanyo Telefeshinka”.

Dhawaan ayey ahayd markii xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI uu tashuush ku furay go’aamo xukuumadda iyo komishanka Doorashooyinku ku gaadheen in diiwaangelinta codbixiyayaasha laga hirgeliyo lixda degmo ee waqooyiga gobolka Maroodi-jeex ku yaalla, waxana soo baxayey yooyootan afxumo badani ka muuqato oo ay waayeel iyo waxgarada gobollo kala duwan kasoo jeedaa arrintaas ka yidhaahdeen.