Somaliland: Agaasime Dardaaran Culus U Sii Guntay Agaasime Kusii Socda Wasaaraddii Laga Soo Badala

0
733

Agaasimihii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Abiib Axmed Cali oo Shalay la wareegay Xilkii Komishanka Ka hortaga Aidska Qaranka ayaa dardaaran culus u sii xambaarshay Gudoomiyihii hore ee Komishanka Aids-ka Prof Cabdi Cali oo uu Isna Madaxweyne Siilaanyo Isku shaandhayntii u dambaysay ubadelay Booska Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Waxa uu Abiib kula dardaarmay in meesha la geeyay ay u baahan tahay Isbadel wayn oo dhinac walba leh,islamarkaana ay joogaan ashkhaas dheef quutayaal ah oo aan danta umada ka shaqayn,waxa uu aad ugala dardaarmay inaanu ku dhex milmin ee uu ku shaqeeyo aqoontiisa.
Agaasimihii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Abiib Axmed Cali oo hadalkan ka jeediyay Xafladii uu xilka kula wareegay ayaa waxa uu ka dayriyay Hanaanka geedi socod ee Wasaaradda Waxbarashada,waxaanu soo jeediyay inaan Akhaas loo danayn ee Danta umada iyo Mustaqbalkooda la eego,waxaana uu yidhi“Walaalkay Cabdi Cali Waxaan Ku Dar daarayaa,Wuxuu tagi doonaa Wasaaradda Wasaaradaha Ugu Balaadhan Dalka,Umadi Waxay u egtahay,Waxbarashadeedu sida ay u egtahay,Waxaana waajib ah in Loo qorsheeyo had iyo goor,Dadku inay habqan ku socdaan maaha,Waxaan kuu sheegayaa Cabdaw,Meeshaas aad tagi doontaa waxay ubaahan tahay Isbadel faro badan,oo aan u baahnayn in la eego Ashkhaas iyo dano gaara toona”.
Waxa kale oo uu yidhi“Waynu aragnaa dalkeenu Social Security maleh,Dadkun Way baahan yihiin,Shaqo la’aanina way jirtaa,oo xitaa qof haddaad badesho waxa lagu odhanayaa Maxaad sidaasi u yeeshay,Runtii haddii aynu doonayno inaynu hore u socono waxaynu ubaahanahay Aragti fog,Bulshadeena iyo Dadka soo koraya inaynu jihayno ayaa loo baahan yahay,Umana baahna inaynu ka eegno meelaha Dheefta ku jirto,Gabay Hadrawi lahaa ayaa waxa uu lahaa “Damiirku hadduu qalalo,Hadduu dufan raadis yahay,Daliilka hortiisa yaala Waxaa kaga beegan daah”,Uma baahnin dadka bini-Aadmiga inuu inagaga beegmo daah, inagoo wax kale danaynayna,Waxaynu ubaahanahay ubadkeena,Xil Qaran oo weyn weeyi,Xilkaasi Qaran wuu hawl badan yahay,Shaqadu Way badan tahay,Baahiyuhu way badan yihiin,Hadaanad Qorshaysan oo aanad waliba iska xidh xidhin Wax badan kuu socon mayso Fikirka Aad leedahay,Ana waan ku ogahay inaad nin adag tahay oo waliba Academic ah,Waxaan jecelnahay inay kaa muuqato in xilkii Academic ee Waxbarashada ee aad jeclayd ee aad ku soo jirtay Labaatankii sanno,inay ka muuqato Wasaaradda Waxbarashadda”.ayuu dardaarankiisa ku soo koobay uu farriinta ugu dirayay saaxiibkii.