Garaadka Ugu Miisaanka Weyn Beelaha Dhulbahanta Oo Si Mug Leh Uga Sheekeeyey Nuxurka Casuumad Uu Saax-dheer Ugu Sameeyey Madax-dhaqameed Kasoo Jeeda Gobolka Togdheer

0
1048

“Wada-hadalka Somaliland iyo Khaatumo waanu ku garab taaganahay, meel kastoo ay ka adkaatana waxa naga go’an inaanay hawshaasi qabyo yeelan, sababtoo ah dadkayagay dani ugu jirtaa oo deris wanaagay……”Garaad Jaamac Garaad Cali.

Kulan natiijadiisa si weyn loo sugayey oo u dhexeeyey garaadka guud ee beelaha Dhul-bahante Garaad Jaamac Garaad Cali iyo salaadiin kasoo jeeda gobolka Togdheer, ayaa maxsuul wanaagsan kusoo dhammaaday, waxana halkaas la iskula gaadhay is afgarad iyo isu soo dhawaansho dan weyni ugu jirto guud ahaanba bulshoweynta ku dhaqan deegaannadaas.

Kulankan oo ka dhacay gudaha magaalada Saax-dheer ee gobolka Sool, ayaa ahaa mid muddo maalmo ah halkaas ka socday, waxana dhinacyadu iskula faaqideen sidii taageero mug leh loogu muujin lahaa wada-hadallada dhawaan u bilaabmay maamulka KHaatumo iyo Somaliland oo haatan meel fiican maraysa.

Garaadka guud ee Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali oo isagu casuumadda u fidiyey salaadiinta reer Togdheer, ayaa halkaas si weyn salaadiinta ugu soo dhaweeyey, waxana uu muujiyey sida uu diyaarka ugu yahay inuu wada-hadalkaas bilaabmay taageersan yahay, isla-markaana ay ka go’an tahay sidii meesha looga saari lahaa colaadda iyo kala shakiga kala dhexyaalla bulshada deegaannadaas ku wada dhaqan.

Garaad Jaamac oo markii wada-hadalkaasi soo dhammaaday saxaafadda la hadlay, ayaa ugu horrayn sharraxaad ka bixiyey waxyaabaha ay diiradda ku saareen wada-hadalkooda, “wada-hadallo ayaanu lahayn kadib anigaa salaadiinta casuumad saax-dheer ah u fidiyey salaadiintu Iyana waa iga ajiibeen oo danaha dadkayagaanu kaga wada-hadlaynay, waxana aanu isla garanay maadaama oo aanu madax-dhaqameed nahay inaanu nabadgelyada ka wada shaqayno oo iska kaashanno. Wixii dhibaato ku keeni karona laga hortago.” Ayuu yidhi Garaad Jaamac Garaad Cali.

Garaad Jaamac, ayaa si cad u sheegay inuu taageero buuxda u hayo midho loo aayo oo kasoo baxa wada-hadalka maamulka Khaatumo iyo Somaliland dhawaan u bilaabmi doona, isagoo intaas ku daray inuu ku dedaali doono sidii hawshaasi guul ugu dhammaan lahayd, waxana uu yidhi,“Wada-hadalka Somaliland iyo Khaatumo waanu ku garab taaganahay sidii dhibka jira loosoo afjari lahaa, meel kastoo ay ka adkaatana waxa naga go’an inaanay hawshaasi qabyo yeelan, sababtoo ah dadkayagay dani ugu jirtaa oo deris wanaagay dani noogu jirtaa.”

Garaad Jaamac waxa uu xusay in isaga iyo salaadiinta uu casuumay ay hab nabadeed ku wada joogaan oo ay is afgarteen, waxana uu yidhi,“nabadgelyaanu iskugu nimi oo ku wada joognaa si fiican oo wada-dhalasho leh oo xigto lehna waanu isu afgaranay.”

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah garaadka guud ee Beelweynta Dhulbahante, ayaa ahaa mishiinka dhaqaajiya kooxda uu hoggaamiyo Cali Khaliif ee Khaatumo, waxana uu in muddo ah ahaa nin si weyn uga soo horjeeda arrimaha Somaliland, balse waxa ay tallaabadani noqonaysaa mid yididiilo weyn gelisa nabad kuwada-noolaanshaha shacabka walaalaha ee deegaanada Bariga dalka ku nool oo ay muddooyinkii dambe u ifaysay xiddig naruuro lihi.