Madaxweynayaashii Ugu Dhiigyo-cabsanaa Qaaradda Afrika.

0
1567

Madaxweynayaashii ugu Dhiigyo-cabsanaa Qaaradda Afrika Qormadan oo ururis ah waxa aynu tibaaxyo kooban ka bixinaysaa Madaxweynayaashii Qaarada Afrika ugu arxanka darnaa. Waxa ay iftiiminaysa warbixinaha laga qoray tirada dadka ah ee ku dhintay go’aannadooda, siyaasad ay sameeyeen amma ciidammadoodu laayeen.

Madaxweyneyaal badan oo Afrikaan ah, ayaa go’aanno ay qaateen sabab u noqdeen in malaayiin amma boqollaal kun oo qof gacantooda ku dhintaan, halka kuwo kalena u badheedheen dilka muwaaddiniintooda ah, qaarna maamulka ku hoos jira ayaa aad u liitay. Haddaba, waxa jira madaxweynayaal 130kii sanno ee u dambeeyey ku suntanaa xasuuqyo ba’an, dilal xidhiidhsan, dagaallo sokeeyo iyo siyaasado ay soo rogeen oo keenay mushkiladaha ilaa hadda qaarkood ka taagan yihiin dalalka qaaradda Afrika.

Qormadan waxaynu ku soo qaadan doonnaa 11 madaxweyne oo dunida soo maray oo malaayiin iyo boqollaal kun oo qof la xasuuqay muddadii ay hayeen xukunka dalalkooda. 1. Mengistu Haile Mariam (400,000 ilaa 1.5 milyan qof oo dhimasho ah) Hoggaamiyihii millatariga ahaa ee Itoobiya, Mengistu Haile Marriam, waxa uu si badheedh ah oo qorshaysan u laayey dad ka soo horjeeday xukunkiisa oo lagu xasuuqay olole uu u bixiyey “Argagixii Casaa” (Red Terror).

Mr. Mengistu oo weli nool dalka Zimbabwe oo uu ku joogo magangelyo siyaasadeed, waxa uu ahaa Madaxweynihii hoggaaminayey Itoobiya laga soo bilaabo 1974kii ilaa 1991kii. Xilka waxa uu ku qabsaday kadib markii uu fursad ka helay Madaxweynihii ka horreeyey ee Haile 2 Selssie, inkastoo uu diido eedaymayaas.

Waxa lagu xasuustaa ololaha la odhan jiray ‘Red Terror’ oo ay hoggaaminayeen malleeshiyo ka tirsan maamulkii Dergiga ee Itoobiya. “Geerida dadka kacdoonnada wada! Geerida kooxda EPRP!” ayuu yidhi waqti uu ololahan bilaabayey, waxaannu gacantiisa ku hayey saddex quraaradood oo dhiig ka buuxo, kadibna wuxuu ku tuuray dhulka.

Waqtigaasi waxa uu bilow u ahaa dilka boqollaal kun oo qof oo Itoobiyaan ah, kuwaasoo maydkooda la wadhay waddooyinka Itoobiya. Qofka inta la dilo oo keliya lagagama tegi jirin ee waxa qoyskiisa laga qaadi jiray lacag ay ku sheegeen cashuur si maydka loogu soo celiyo. Waxa loo yaqaannay lacagta laga qaado qofka “Xabbaddii khasaartay” oo macnaheedu yahay in rasaastu ka qiimo badnayd qofka geeriyooday ee xaq-darrada lagu dilay. Muddada uu hoggaamiyihii Itoobiya bilaabay hawlgalkiisa, waxa caan ku ahayd in magaalooyinka dalkaas uu waraabuhu hadh cad amma maalintii ku dhex cuno maydka dadka la xasuuqay, waxana ololahaas lagu tilmaamaa inuu ka mid ahaa dilalkii ugu xumaa ee lagu bartilmaameedsado dad Afrikaan ah.

Warbixinaha caalamiga ah ayaa sheegay in dawladdii Mengiste dishay dad lagu qiyaasay 400,000 (afar boqol oo kun) ilaa 1.5 milyan qof.

2. Mr. Yakubu Gowon oo ahaa Madaxweynihii Nijeeriya Dalka Nigeriya (Nayjeeriya) oo ku yaal galbeedka Afrika, waxa ku naf waayey qiyaastii ilaa 1 milyan oo qof oo rayid ah iyo weliba 100 kun oo askari, kadib markii uu bilaabmay dagaal sokeeye oo qayb ka mid ah shacabku ku doonayeen inay goosataan oo ay noqdaan dal iskii u taagan. Waxa ku lammaan dhacdada dagaalkaal sheekooyin badan oo dhib iyo farxad bal leh. Waxa laga war helay in Nijeeriya xaaladdeedu aad u kacsan tahay, taasoo dhibaato ka dhex dhacday gobollada bari oo uu hoggaaminayey Mr. Ojukwu iyo dalka inteeda kaloo uu horkacayey Mr. Yakubu Gowon oo ahaa Madaxweyne. Xaaladdu markay cirka isku sii shareertay ee qadhaadhaatay ayaa dhinacyadu wada saxeexdeen heshiis ay u bixiyeen 3 Aburi Accord, balse hoggaamiyayaasha labada dhinac macne uma samaynayn in la heshiiyo. Madaxweyne Yakubu oo inta badan Nijeeriya ka talinayey wuxuu cadaadis ku soo rogay Gobolka Bari ee damacsanaa in ay goostaan. Waxa uu soo wada saaray awooddiisii si uu u tuso sida uu u baabi’in karo hoggaamiyihii mucaaridka ee Ojukwu iyo dadka taageersan, waayo Well Ojukwu wuxuu ku dhawaaqay inuu dalka Niger ka go’ayo, waxaannu sameeyey jamhuuriyad uu u bixiyey “Republic of Biafra.” Waxa halkaas ka bilaabmay dagaal sababay dhimashada in ka badan 100 kun oo askari, halka sidoo kale ay macaluul iyo dagaalo u geeriyoodeen qiyaastii 1 milyan qof oo rayid ah.

Waa arrin masuuliyaddeeda loo xambaariyaa Madaxweynihii Nijeeriya ee waqtigaas General Yakubu Gowon, kaasoo dalka hoggaaminayey muddadii u dhexaysay 1966 ilaa 1975. Laf ahaantiisu waxa uu awoodda ku qabsaday xukun millateri, isagoo afgembiyey hoggaamiyihii ka horreeyey. Si uu uga hortago inuu laba u qaybsamo dalkiisa Niger, waxa uu baabiiyey dad aad u tiro badan oo damacsanaa in ay samaystaan jamhuuriyad ay u bixiyeen Biafran.

3. Madaxweynihii 3aad ee Uganda, Idi Amin: Mr. Idi Amini Dada oo ahaa Madaxweynihii 3aad ee soo mara waddanka Uganda ee bariga qaaradda Afrika, waxa uu dalkiisa u talinayey laga bilaabo 1971 ilaa 1979-kii. Waxa uu ka mid ahaa ciidammadii gumaysiga Ingiriiska ee la odhan jiray King’s African Rifles sannadkii 1946kii. Waxa uu waqtigii gumaysiga ka hawlgalay Kenya iyo Uganda. Waxa uu noqday sarkaalka ugu sarreeya ciidammada millateriga Uganda, taasina waxay u saamaxday inuu xukun millateri ku qabsado dalkiisa bishii January ee 1971kii, isagoo afgambiyey Madaxweyne Milton Obote.

Genaraal Idi Amin, waxa uu caan ku ahaa, laguna eedayn jiray ku xadgudubka xuquuqalinsaanka, cadaadiska siyaasiga, isir-tirtiridda, dilalka aan sharciga ahayn, eexda iyo musuqmaasuqa, taasina waxay keentay in lagu eedeeyo masuuliyadda dhimashada 250 4 konton kun oo qof oo ku baxay gacanta maamulkiisa, gaar ahaan u dhintay jidh-dil, xasuuq, musuqmaasuq iyo waliba isir la bartilmaameedsado. Aakhirkii waxa uu ku jabay dagaal uu ku qaaday dalka Tansaniya, taasoo keentay inuu u baxsado Liibiya, kadibna uga sii gudbo Sucuudiga oo uu ku geeriyooday sannadkii 2003-dii. 4. Madaxweynihii hore ee Nayjeeriya Hay’adda la yidhaah Transparency International oo xafiiskeedu yahay magaaalada Berlin ee dalka Jarmalka, ayaa warbixin ay daabacday bishii July ee sannadkii 1997, waxay ku sheegtay in dalka Nayjeeriya (Nigeria) yahay dalka ugu musuqmaasuqa badan dunida.

Waxa xilka hayey Madaxweyne Abacha oo xukun millateri ku qabsaday dalkaas bishii November 1993-kii, isagoo mamnuucay doorasho la qaban lahaa isla sannadkaan.

General Sani Abacha oo ahaa Madaxa Ciidammada Nayjeeriya, waxa uu waxba kama jiraan ka dhigay hay’adihii dawliga ahaa, isagoo mamnuucay xisbiyada siyaasadda, kadibna meesha ka saaray in nidaam dimuqraadi ah dalkiisa ka jiro oo qof hadli karo.

Aakhirkii, beesha caalamka, ayaa ku qasabtay General Abacha inuu ku dhawaaqo saddex sanno dawlad ku-meel-gaadh ah oo xilka haysa ilaa October 1995ka, balse qorshahaas muu hirgelin oo doorashada ayuu dib u dhigay ilaa March 1997kii. Waqtigaas shan xisbi siyaasadeed oo kaliya ayaa la diiwaangeliyey, halka 15 urur siyaasadeedna oggolaadeen in ay tartanka galaan. Komishankii Doorashooyinka ayaa aakhirkii go’aansatay in doorasho la qabto markii taariikhdu ahayd 1 August 1998kii. Intii uu xukunka millateri haystay waxa uu dilay xubno xuquuqal-insaanka u dooda, gaar ahaan Saro-Wiwa iyo sagaal kale oo xukun dil ah lagu fuliyey November 1995, halka 26 kalena dil toogasho ah lagu xukumay.

5 Intaa waxa dheer in lagu eedeeyo inuu sameeyey musuqmaasuq badan, hawlgalada millateri iyo xasuuq ba’an loo geystay oo warbixinuhu caddeeyeen in tiradoodu tahay inta u dhaxaysa 100 kun oo qof ilaa 200 kun oo ruux, waxayna ka dhigtay inuu ka mid noqdo hoggaamiyayaasha ugu arxanka darnaa Qaaradda Afrika. 5. Madaxweynihii Guinea – Ahmed Sékou Touré (100 000-150,000 dhimasho): Axmed Sekou Toure waxa uu ahaa hoggaamiye-siyaasadeedka Guinan, madaxa xisbiga PDG, kadib waxa aakhirkii loo doortay Madaxweynaha dalkaas, isagoo xilka hayey 1958kii ilaa intuu ka dhimanaayey ee 1984kii. Waxa uu ahaa Sake Toure mid tiirka koowaad ee astaanta u ahaa xornimada in dalkiisu ka qaato gumaysigii Faransiiska.

Sannadkii 19960kii, waxa uu ku dhawaaqay xisbigiisa PDG (Democratic Party of Guinea) si uu noqdo ka kalya ee sharciga ka ah dalkaas, wuxuuna aakhirkii ku hoggaamiyey kalitalisnimo, waxana dib loo doortay toddoba sanno oo kale, waqtigaasba Guinea waxay lahayd xisbi siyaasadeed kale, balse hoggaamiyayaashoodii inta la xidh-xidhay ayaa badhna la laayey, qaarna lagu xukumay mastaafurin. Intii uu Seke Toure ka talinaayey dalkiisa waxa dawladdiisu sabab u noqotay geerida 100,000 ilaa 150,000 qof oo reer Guinea ah, sida warbixinaha dalkaas laga qoray caddeeyeen, waana arrin keentay in halyeygan xornimada u dagaallamay uu raadkiisii hore tirtiro, noqda kaligii taliye aan cidba ka daba hadlin oo intii gumaysigu yeelay in ka badan dadkiisa yeela.

6. Madaxweynihii hore ee Laybeeriya Mr. Charles Taylor (100 000-150 000 Dhimashadood) 6 Madaxweynihii hore ee dalka LibeeriyMr. Charles Taylor oo xilka dalkiisa loo doortay 1997kii oo inta badan lagu eedayn jiray inuu dadkiisa argagax iyo dhibaato badan u geystay.

Waxa warbixinaha adduunku sheegaan inuu sabab u ahaa isaga iyo dawladiisuba dhimashada 100,000 ilaa 150,000 qof, taasina waxay dhaxalsiisay inuu liistooyinka u horreeya ka galo madaxda ugu arxanka darrnaa Afrika. Charles oo lagu xidhiidhinaayo dambiyo xuquuqal-insaanka uu ka galay, dambiile dagaal iyo inuu xad-gudub bin’aadamtinimada ah sameeyey intii dagaallada sokeeye ka dhaxeeyeen dalalka jaarka la ah ee Sierra Leone iyo waliba dalkiisa Laybeeriya oo dagaalku ka socday ilaa 1999 ilaa 2003. Waxa waqtigan xukunkiisu ka socdaa Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC (Interntional Criminal Court) ee Hague ku taala, taasoo loo haysto xasuuqyo ka dhacay Laybeeriya iyo Sierra Leone. 7. Madaxweynihii hore ee Chat Mr. Hissene Habre (80 000-100 000 Dhimashadood) 7 Dad badan baa Hissene Habre ku dooda in aannu wax badan samaynin, balse wali waxa dunidu u taqaanaa inuu kaligii taliye ahaa, sababtoo ah waxa uu ku kacay xad-gudubyo iyo dambiyo aad u tiro badan oo uu dadkiisa iyo dalalka la jaarka ahba ku sameeyey. Hissene Habre oo dhashay 13 September, 1942kii waa siyaasi Chad u dhashay. Waxa uu Chad Madaxweyne ka noqday laga soo bilaabo 1982kii ilaa 1990-kii oo uu dalka laga mastaafuriyey, halka 2016 lagu helay dambiyo ka dhan ah xuquuqal-insaanka sida kufsi, adoonsi jinsi iyo waliba inuu amray xasuuqa 40,000 qof, halka dhimashada dadka geeriyooday intii uu xukunka hayeyna dhan tahay 80,000 ilaa 100,000 qof. Sababaha soo dhawaysay inuu Hissene dalkiisa madaxweyne ka noqdo waxay ahayd in ciidammo uu madax u ahaa ay jebiyeen ciidammo Liibiyaan ah oo dalkiisa qabsatay sannadkii 1981kii, balse waxa taariikhdiisa ku lammaan baro madawo oo ay ka mid yihiin inuu intii uu xilka hayey amray tirtirista qoomiyadaha Hajeria iyo Zaghawa sida hay’adda xuquuqal-insaanka ee Human Rights Watch sheegtay… 8. Macius Nguema (Dhimashada 50 000 ilaa 70 000 qof) Madaxweynihii ugu horreeyey dalka Guinea oo la odhan jiray Macius Ngeuma oo uu dhalay aabbo sixirka wax ku daweeya, ayaa lagu eedeeyaa inuu ku kacay dambiyo waaweyn oo ka dhan ah bani’aadanimada muddadii uu hayey xilka waddankiisa. Markii uu qabsaday talada dalkiisa, waxa dibadaha u qaxay 30% bulshada ku dhaqan dalkaas, si ay uga baxsadaan arxan-darrada uu ku kacay. Waxa uu amar ku bixiyey in la xasuuqo dhammaan dadka tuulooyin dalkiisa ka mid ah. Sidoo kale, waqtigii uu xilka hayey wax horumarin mashaariic iyo maaliyad ah ma uu haysan. Qofna ma uu aamini jirin, 8 waqtigiisa inta u badanna wuxuu ku qaatay tuulo qabiilkiisu ku noolaa, lacagta dalkana waxa uu ku sidan jiray shandadiisa. Warbixinaha laga soo saaray arxan-darradiisa waxa ay tilmamaan inuu ka dambeeyey dilka dad ka badan 50 kun ilaa 70 kun qof oo ku dhintay amarkiisa, aakhirkii markii xukunka laga tuuray waxa lagu xukumay dil toogasho ah, waxana xukunka ka riday wiil ay ilmaabti yihiin oo la yidhaa Theodor Obiag Ngeuma oo wali isaga laf ahaantiisu xukunka dalkaas ku dheggan. 9. Maxamed Siyaad Barre (Dhimashada 50,000-60,000 qof) Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya ka talinayey 1969 ilaa 1991-kii, isla markaana xukun millateri ku qabsaday ayaa dawladiisa lagu eedeeyaa dambiyo ka dhan ah xuquuqal-insaanka oo ay ka mid yihiin xasuuq baahsan, xabsiyeyn aan caddaalad ahayn, jidh-dil iyo waliba isir tirtiris. Hay’adda Qarammada Midoobay ee UNDP, ayaa warbixin ay soo saartay ku caddaysay in xukunkii millateri ee ka talinayey Soomaaliya muddada 21 sanno ah, isla markaana hormuudka ka ahaa Siyaad Barre uu ahaa taliskii ugu xumaa ee loo diwiaangeliyo inuu ku kacay tacadiyada iyo ku tumadashada xuquuqal-insaanka ee ugu badnaa qaaradda Afrika. Sidoo kale, Hay’adda Xuquuqal-insaanka ee African Watch Committee, gaar ahaan Waaxdeeda Human Right Watch, ayaa baahisay bishii January 1990 warbixin ballaadhan oo ay cinwaan uga dhigtay; “Soamaaliya: Dawlad dadkeeda dagaal kula jirta” (Somalia: A Government at War with Its Own People). Warbixintan oo 268 bog ka kooban, waxa ay ku sheegtay in xadgudubyo xuquuqal-insaanka ka dhan ah lagula kacay dadka ku dhaqnaa gobolladii Woqooyi, waqtiganna ah Jamhuuriyadda Somaliland. 9 Waxa kaloo warbixinta ku jiray caddaymo muujinaya xasuuqyo maamulkii millatariga ahaa ee Siyaad Barre ka fuliyey meelo badan oo ah dhulka Somaliland, siiba qabiilka Isaaqa oo si gaar ah loo bartilmaameedsaday oo warbixintu siday sheegtay Soomaaliya u diiwaangelisay in dadka Somaliland ka soo jeeda, gaar ahaan Isaaqu “argagixiso” yihiin. Warbixino tiro badan ayaaa isku raacay in dawladdii Siyaad Barre xasuuqday dad tiradoodu u dhexayso 50 kun ilaa 60 kun oo qof laga soo bilaabo 1988 ilaa 1989-kii. Sidoo kale, hay’adda Amnesty International waxa ay warbixin ay soo saartay ku sheegtay dawladdii Siyaad Barre ay ku kacday dambiyo bani’adamnimada ka dhan ah, gaar ahaan hay’addii sirdoonka ee la odhan jiray NSS (National Security Service). Waxa si gaar ah loo xusay in xad-gudubyadaas ay ka mid ahaayeen dil, garaacis, jidh-dilid isugu jirta koronto lagu qabto maxaabiista, kufsi haweenka maxaabiis ah iyo waliba dil-wadareedyo… 10. Omar Al-Bhasir (30 000 – 40 000 Dhimashadood) Cumar Xasan Al Bashiir oo ah Madaxweynaha waqtigan xilka haya ee dalka Suudaan, waxa dalalka reer galbeedka amma warbixinaha laga diyaariyaa ku eedeeyaan inuu masuul ka yahay dhimashada dadkabadan 30 ilaa 40 kun oo qof. Waxa colaaddaas lagu daray liiska hoggaamiyayaasha ugu dhiigya-cabsan soo shaac baxay March 2009, markii Maxkamadda Dambiyada Dagaalka ee ICC (International Criminal Court) soo saartay waaran qabasho ah oo lagu doonayo in lagu xidho Madaxweynaha, iyadoo lagu eedeeyey inuu ku kacay 7 dambi oo ka dhan ah bani’aadaminimada. Waxa si gaara loogu eedeeyey inuu qorsheeyey, kuna kacay xasuuq ka dhan ah qoomiyadaha Masalit iyo Saghwa oo tobonnaan kun laga dilay, taasina ay keentay in uu ka mid noqdo hoggaamiyayaasha ugu xun ee soo mara dunida. 10 Geesta kale, waxa arrintaas ku lidi noqotay, kadib markii dhawaan Madal la yidhaa African Dignity Forum ay hoggaamiye Cumar al Bashiir ku maamuustay billadda hoggaamiyaha ugu wanaagsan Afrika, kaasoo ay ku ammaantay inuu ka mid yahay hoggaamiyasha ugu wanaagsan qaaradda ee ka shaqeeyey horumarinta iyo danaha bulshooyinka Afrikaanka, iyadoo sidoo kale dalalka Afrika tilmaameen in eedaymaha loo jeediyo Madaxweynaha Suudaan ay yihiin qaar dano siyaasadeed laga leeyahay, waxbana aanay jirin. Xafladda lagu maamuusay oo ay soo qabanqaabiyeen jaamacadaha Addis Ababa University, UN Peace University iyo Institutes of Peace and Conflict Studies African Network waxa ay socotay intii u dhaxaysay 25-29 July ee sannadkan. 11.Paul Biya (20 000- 30 000 Dhimashadood) Madaxweynihii dalka Cameroon (Kamaroon) ee Paul Biya oo dhashay 13 February 1933, waxa uu kaalinta 11aad kaga jiraa Madaxweynayaasha lagu eedeeyo inay yihiin kuwa ugu arxanka daran caalamka. Si uu xukunka dalkiisa u haysto dhawr xilli oo isku xiga ayuu dilay dad gaadhaya 20 ilaa 30 kun oo qof, kuwaas oo la sheegay in dawladdiisu masuul ka ahayd dhimashadooda. Waxa uu markii ugu horraysay Madaxweyne noqday bishii November ee sannadkii 1982kii, waxaana lagu eedeeyaa inuu ahaa hoggaamiye aan maamulka aqoon u lahayn, manuu ogolayn in cidi ka daba hadasho, inta badana wuxuu caan ku ahaa afduubka, musuqmaasuqa iyo dilalka qorshaysan, waana sababta uu uga mid noqday hoggaamiyayaasha Qaaradda Afrika ugu arxanka darnaa.