“Dekedda Reer Malahee Ninka Isku Daya Inuu Horumarinta Dekedda Carqaladeeyoow Taada Noqon Maysee Ta Dawladda Ayay Noqon” Suldan Saleebaan Boqor Cismaan

0
858

Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland, gaar ahaana gobolka Maroodi-jeex ayaa soo dhaweeyey maalgashiga dekeda Berbera, waxaanu xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ku bogaadiyey dedaalka ay ku bixisay iyo sida ay uga soo shaqaysay heshiiska Kombaniga DP World ku ay la saxeexdeen ee Balaadhinta iyo horumarinta Marsadda Berbera.

Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan, ayaa Shir Jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Hargeysa, waxa uu tilmaamay in dhamaan Goboladda dalka ay degan yihiin Beelo kala duwan isla markaana aanay jirin beel si gaar ah u sheegan karta Dekeddaha iyo Madaaradda dalka, isaga oo talooyin u soo jeediyey inay ka waan toobaan qaar ka mid ah Beelaha gobolka Saaxil ku dhaqan oo ka hor yimid heshiiska Xukuumadda Somaliland la gashay Shirkadda DP World ee Maalgashiga Marsada Berbera, waxaanu heshiiskaasi ku tilmaamay mid taariikhi ah oo qiima weyn Somaliland ugu fadhiyo, isla markaana uu dawladdda ugu baaqay in aanay dhegaysan cida ka hortimaada heshiiskaasi kuna dhiirato maalgelin kasta oo Somaliland horumar ugu jiro.

Suldaan Cismaan ayaa sidaasi ku sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxaanu tilmaamay in arinta maalgashiga dekeda Berbera loo dhigayo si xun oo qabyaaladaysan, isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waan Hambalyeynayaa dawladda Somaliland ee ka soo shaqaysay inay horumarka inta leeg ee Maalgelinta Maarsadda Berbera ee Heshiiskii Kombaniga DP World hirgalisay oo ay Xukuumaddu ku qancisay dawladdaha Somalilnad la jaarka ah sida Emaaraadka inay maalgelinta inta leeg ee $422 Milyan oo dollar ka maraykanka ahi ku baxayaa ku guulaysatay, waxaan qaba arintaasi soo dhaweyn ayey mudan tahay, sharciba umadda ka midka ah ee arinta ka qaylinaaya waxaan leeyahay waar arintaasi in aad ka mudaharaadaan iyo mid aad ka buuqdaan midna ma istaahisho oo waliba ninka Berbera degan ee halka maalgashiga lagu sameynaayo degani ma aheyn in uu ka hor yimaado maalgashigaasi , waliba Somalidu waxay tidhaahda Dheri ninka u dhaw ayaa kala Laf baxa imika ninka ugu dhaw ayaa khayraadka Dekedda Berbera hadii la horumariyo ka faa’iidaysanaaya, hada ninkii ugu dhawaa in uu faa’iidada ugu badan helo in uu noqdo ninka ugu qayladda badan waa mid ayaan daro ah”

“Ta kale waxa weeye arinta maalgashiga Berbera waxa loo dhigayaa si xun oo Qabyaalad ah, umadda reer Somaliland reerba meel ayuu degan yahay oo ku abuuran yahay, Dekedda Illaahay reer ayuu ku abuuray, Madaarka Hargeysa Illaahay reer ayuu ku abuuray, Kastamadda Saylac Illaahay reer ayuu ku abuuray oo meel walba reer ayaa jooga oo ku abuuran, oo reer meeshiisa sheegta ma jirto reer ku hanjabaana ma jiro, waar dekedda marka ay dawladdu wax istiraahdo ka qabo loo mudaharaadayo miyaanay nacasnimo aheyn, waxaanu ogeyn wershadii Sibidhka wixii ka dhacaayey hada iyada oo waliba ay maalgalin ku sameynayeen ganacsato reer Somaliland ah, waxa umaddda Somaliland wada og tahay wixii ka dhacaayey qayladii iyo buuqii ka dhacaayey sidii ayuu wali u taagan yahay, waa ka Sibidhkeeni Bacadku dilay ee aynu Itoobiya iyo Cumaan ka soo daabulaneyno Sibidhka”

Suldaan Saleebaan waxa uu inta ku daray oo yidhi “Maantana in la yidhaahdo Balaadhintii iyo Horumarintii Maalgashiga Dekedda Berbera ayuu waxaasi ka dhacayaa waar runta ha laysku sheego reer Somalilandoow Dekedda reer ma laha, ileen reer kasta meel ayuu degan yahay oo hadana ma sheegto anigaygaasi Haleeya ayaan deganaa oo aan Xukumaayey oo hadana ma sheegto iyada oo gaadhiga Hargeysa soo galaaya hadii aanan soo cashuurin ma soo gali jirin, waxaan faraha uga qaaday dawladnimada weeye, hadii nin walba halka uu degan yahay sheegto walaahi ayeynaan dawlad noqonaynin, runta aynu isku sheegno ee nina Adhigiisa laga ma dhisin Dekedda Berbera iyo Madaaradda ee waxa laga dhisay hanti umaddeed iyo hanti dawladdeed iyadaana maamulaysa, ninkii iyada u daba fadhiisan waaya ee Carqaladeeyoow taada noqon meyso ee dawladda teeda ayey noqoneysaa oo ta umadda iyo rabitaanka bulshada ayey noqonaysaa oo horumarinta iyo maalgashiga Somaliland u baahan tahay ayey noqonaysa in la hirgeliyo, dad isku tegay oo umad reer Somaliland la yidhaahdo, hadii nin walba halkiisa ooto oo yidhaahdo waxaanan ogoleyn la gama qaban karo Somaliland dawlad la yidhaahdo inaga socon meyso ee yaan been laysku sheegin”