Turkiga Oo Caddeeyey Inuu Ka Shaqaynayo Midnimada Somalia, Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Jawaabtay Iyo Dhaliisha Dul Hoganaysa Wada-Hadallada Hargeysa Iyo Muqdisho Ee Turkiga

0
87

Safiirka dawlada Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya Olgan Bekar ayaa  shaaca ka qaaday in aanu dalkiisu aqoonsan baasaaboorka somaliland.

 

Safiir Olgan Bekar oo warbaahinta kula Hadlay Magaalada Muqdisho ayaa isaga oo ka jawaabayey su’aal daba socotay hadal uu hore u sheegay qunsulka safaaraddiisa u fadhiya Somaliland oo sheegay in baasaboorka Soomaalilaan ay aqoonsan yihiin, waxa uu carrabka ku adkeeyey in Turkigu aanu baasaboorka Somaliland u aqoonsan baasaboor ahaan, balse uu u arko in uu yahay kaadh aqoonsi iyo in dawlada Turkigu ka shaqaynayso waxa uu ugu yeedhay midnimada soomaaliya.

Danjire Olgan Bekar waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Sida aad ka war qabtaan annagu (Turkiga) maanu aqbalin baasaaboorka Somaliland, ujeedadayaduna waa inay midawdo Soomaaliya oo ay is-raacdo”

Danjiraha Turkiga oo dalkiisu sannadihii u dambeeyey gogol siinayey wada hadallada Soomaalilaan iyo Soomaaliya ay kaga xaajoonayaan mustaqbalkooda ayaa caddeeyey

mawqifka dalkiisa ee la xidhiidha mustaqbalka dalkii hore la isugu odhan jiray Soomaaliya, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Mar walba waxaanu ka shaqaynaa midnimada Soomaaliya, dadka Soomaalilaan ku noolna waxa ay noola mid yihiin dadka ku nool Soomaaliya inteeda kale” Isaga oo intaas ku sii daray, “Dawlada Turkiguna waxay aaminsan tahay in Soomaaliya iyo Somaliland ay hal wadan noqon doonaan oo ay midoobaan”

Sidoo kale safiirka dalka Turkiga ee u fadhiya Soomaaliya waxa uu ka hadlay sida ay u arkaan baasaaboorka Soomaalilaan waxaanu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa in baasaaboorka Soomaalilaan ay dawlada Turkigu u aqoonsan tahay inuu yahay Warqad-Aqoonsi (ID Card) oo lagu garto muwaadiniinta ka soo jeeda Deegaannada Soomaalilaan”

Wageyskan Geeska Afrika oo afhayeenka madaxtooyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiya, Shamax weydiiyey aragtida Somaliland ee la xidhiidha hadallada danjiraha Turkiga ee Muqdisho, ayaa ku jawaabay, “Qunsulka Turkiga u fadhiya Somaliland hadal buu ku hadlay, Safiirkuna isna hadal baa ka soo yeedhay, malaa isma maqlayaan, oo isma oga ayaan u malaynayaa, ee waxaan leeyahay Safiirku waa uu iska hadlay, oo waa tii awalba Baasaboorka Somaliland lagu tagaayey Turkiga iyo Wadamo badan oo kale, ta uu leeyahay midnimada ayaanu doonaynaa, waa hadal aanu ka fiirsan, waxaana leeyahay Somaliland waa dal madax banaan, oo Soomaaliya ka madax banaan, wax midnimo la yidhaah oo ay Somaliland dib ugu noqonaysaa ma jirto, waxaana run ah in Caalamku Somaliland ula dhaqmo sida Wadan aqoonsi haysta , aqoonsigaasna haddii ILLAAHAY yidhaahdo weynu heli”

Afhayeen Shamax oo Geeska Afrika weydiiyey in hadallada Turkigu uu ku caddeeyey inuu ka shaqaynayo Midnimadu saamayn taban ku yeelan karaan wada hadalladii Soomaalilaan iyo Soomaaliya uga socday Turkigu waxa uu ku jawaabay, “Hadalkan ka soo yeedhay Safiirka Wax alaale wax ay u dhimi karto Somaliland ma jirto, Turkiguna haddii uu gogosha fidiyey, Somaliland kuma qasbi karo Somaliya, mar walba Xukuumadda Somaliland waxay ku hawlan tahay inay ka shaqeeyso danta shacabkeeda, hadalkana ka soo yeedhay Safiirkana waxba ka qaadi maayo Somaliland, Xukuumaddana wey ka fiirsan doontaa”

Hadalkan danjire Olgan ee la xidhiidha baasaboorka Somaliland ayaa u muuqday in diblumaasiyadi aanay ka madhnayn oo lagu raalli gelinayey dawladda Federaalka Soomaaliya oo Turkigu xidhiidh dhow la leeyahay, ahaydna dawladdii dunida ugu horreysay ee cambaaraysay afgembigii Turkiga oo aan weli fashilmin, isla markaana madaxweyne Erdogan hortii qaadatay go’aanka ah in ay saarto dugsiyada iyo adeegyada samofal ee kale ee ay gacanta ku haysay haayadda Nile oo uu leeyahay wadaadka Maraykanka ku nool ee lagu eedeeyey afgembiga.

Waxa se’ uu jawaab u yahay qunsulka dawladda Turkiga u fadhiya Soomaalilaan Muzaffer Yuksel oo shir jaraa’id 23-kii bisha July ku sheegay inay aqoonsadeen baasaaboorka Somaliland, isla markaana ay fiisihii ugu horeeyey ugu dhufteen madaxweyne Siilaanyo iyo marwadiisa. Danjire Muzaffer oo nidaam ahaan xafiiskiisu uu hoos tegayo safaaradda Muqdisho, hadalladii uu ka shegay shirkaa jaraa’id ee uu Hargeysa ku qabtay waxaa ka mid ahaa “Waxaanu aqbalnay baasaaboorka Soomaalilaan, qunsuliyadayaduna waxay bilawday inay aqbasho baasaaboorka Soomaalilaan, Fiisahana waxaa loogu dhuftay madaxweynaha Somaliland iyo marwadiisa”

In kasta oo aanu danjiraha Muqdisho u fadhiya Turkigu deedefayn in dalkiisu uu baasaboorka Somaliland cid u fiiseeyey ama u fiisayn doono, hadalka ah in ay baasaboorka Somaliland u aqoonsan yihiin waraaq aqoonsina uu keeni karo macne ah in ay fiiseeyaan. Haddana arrinta xasaasiga ah ee weliba uu sida adag ugu celceliyey waa mawqifka dalkiisa ee midnimada Soomaaliya, kaas oo xitaa si ka fog diblumasiyadda raalli gelinta dhinacyada uu uga hadlay, kuna celceliyey in dawladdiisu ku dheggen tahay, ayaa dhaawac u geysan karta kalsoonida lagu qabay in dalkiisu dhex dhexaadiye ka noqdo wada hadallada Soomaalilaan iyo Soomaaliya, kuwaas oo  in kasta oo ay masuuliyiinta Soomaalilaan sheegaan in gogosha oo keliya uu siiyey, haddana ay caadi tahay in marar badan cidda gogosha bixisay soo dhex gasho dhinacyadu haddii xaalku is-mari-waa gaadho.

Xildhibaanno miisaan ku leh xisbiyada iyo golayaasha qaranka iyo siyaasiyiin sare oo qaarkood xilal muhiim ah dalka ka soo qabteen ayaa iyaguna muddooyinkii u dambeeyey ku celcelinayey sida aanay uga raalli ahayn in dalka Turkigu uu wada hadallada gogol siiyo, iyaga oo siyaabo kala duwan u iftiiminaya in ay lagama maarmaan tahay in cid kale ku weheliso, laakiin madaxweyne Siilaanyo oo isagu tallaabadii ugu horreysay ee uu arrimaha dibadda ka qaaday markii uu xilka qabtay ay ahayd in uu wada hadallo la furo maamulka Muqdisho ayaa aan illaa hadda si cad uga hadlin dhaliisha soo noqnoqotay ee mucaarad iyo muxaaradba masuuliyiintu u jeedinayso gogosha Turkiga.

Comments

comments