“Cidda Diidda Heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera Marka Loo Gudbiyo Baarlamanka Waxay La Mowqif Tahay Soomaaliya..” Wasiirka Qosheynta Somaliland

0
750

Dawladda Somaliland, ayaa sheegtay in Cidda keliya ee Diiddan inuu hirgelo Heshiiska Shirkadda Carbeed ee DP World ku Maalgelinayso Dekedda Berbera tahay Dawladda Soomaaliya, sidaa daraadeed marka Heshiiska loo gudbiyo Baarlamanka Ciddii diiddaa la mowqif tahay Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland Cali Salaan Jirde (Cali-Shoombe) oo ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in Cidda keliya ee diiddan heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera tahay Soomaaliya, sidaa daraadeed Xukuumad ahaan Cidda ka hor-timaadda marka loo gudbiyo Baarlamanka ay u aqoonsanayaan inay Dawladda Xamar la Mowqif tahay.

Wasiir Cali-Shoombe oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Heshiiska (DP World) Cid keliya ayaa diiddan, Ciddaas oo ah Dawladda Soomaaliya.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Heshiiska Dekedda Berbera loo Gudbinayo Baarlamaanka, “Heshiiska waxa la geynayaa Baarlamaanka, ee marka la geeyo Baarlamanka Ciddii diiddaa waa Rag Xamar la Mowqif ah.”ayuu yidhi, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland.