Xukumadda Somaliland Oo La Filayo Inay Maanta Golaha Wakiilada Usoo Gudbiso Ansixinta Xeer Arintiisu Xasaasi Tahay

0
758

Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa sheegay in xukumadda Somaliland la filayo inay maanta golaha wakiilada Somaliland usoo gudbiso ansixinta iyo doodida xeer arintiisu wakhtigan ay meel xasaasi ah marayso.

Xeerkan ayaa ah xeerka ansixinta heshiiska wareejinta dekeda berbera oo ay xukumaddu dhawaan heshiis la soo gashay shirkada DP World isla markaana ay khamiistii ina soo dhaaftay cod gacan taaga ku ansixiyeen  golaha wasiirada xukumadda madaxwayen Siilanyo

Waxaaan ansixinta heshiiskan oo arinkiisu meel xasaasiya marayo la filayaa in madaxtooyadu maanta usoo gudbiso golaha wakiilada sida ay noo sheegeen ilo u dhuun daloola madaxtooyada Somaliland.

Heshiiska ayaa ay dhawaan xukumaddu lasoo gashay shirkada Dp World iyaada oo xukumadduna muddo 30 sanadood ah ku wareejisay shirkadaasi maamulka dekeda, waxaan arinkani ka dhashay buuq iyo sawaxan iyo mudaharaado badan taasi oo lagaga soo horjeedo wareejinta dekeda berbera.

Waxaan ansixinta heshiiskani la filayaa in goluhu is dhakhso ah uga doodo hadii ay xukumadu usoo gudbiso.