Mujaahid Cali Gurey Oo Sheegay Talaabada Ay Qaadi Donaan Hadii Aanu Gudoomiye Faysal Si Dhakhso Ah Usoo Magacaabin Gudida Garabkiisa Ah Ee Qaban Qaabada Shirwayanaha Xisbiga UCID,

0
754

Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID mujaahid Cali Guray ayaaa ka hadlay muddada hadhay in lagu qabto shirwaynaha xisbiga UCID ee ay gudidu go’aamiyeen, waxaanuu sheegay inaanay wali wax kulan ah yeelan gudida loo xil saaray qaban qaabada shirwaynaha.

Waxaanuu mujaahid Cali Gurey duray gudoomiye Faysal isaga oo sheegay inaanu diyaar u ahayn inuu soo magacaabo shantii xubnood ee gudidu go’aamisay inay iska soo xulaan garabkiisu, waxaanuu ka dhawaajiyay talaabada ay qaadi doonaan garabkoodu ee uu hogaamiyo musharax Jamaal Cali Xuseen.

Mujaahid Cali Gurey ayaa arinkani kaga hadlay qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebook-ga waxaanu u dhignaa sida tan.

Bal ogaada toban maalmood ayaa tegay mudadii 45 cisho ahayd ee Shirwaynaha UCID loo qabtay marka beri lagu daro. Beri iska daa Guddi fadhiisata eh weli Gudoomiyuhu 5tii xubnood muu soo magacaabin mana soo wado eh. Markaa waa qasab in beri aanu ka tashano talaabada ugu haboon ee dhinacayagu aanu qaadayno eh. Waxay noqon hadii Alleh yidhaa mid aanu jeclaysan doonin Gudoomiyuhu laakiin gar iyo dawba ah. Haduu tiisa wato isagaa noo xeeray LA ISU JOOJIN MAAYO. Ama ha ogolaado ama yuusan ogolaan eh hawlihii Shirka sidii aanu ku wadi karno ayuun baanu ku wadi si 35 maalmood ee hadhay aanu ugu dhamaystirno Shirwaynihina ku qabsoomo . Hadii uu qabsoomi kari waayo masuuliyadda waxa iska yeelan doona Gudoomiyaha mana dhacayso mana aqbali doono UCID aan xisbi ahayn ee qof ah sharciguna ma ogolaan doono eh.

 

Ilaa hada lama garanayo sababta uu gudoomiye Faysal usoo magacaabi waayay shanti xubnood ee matalayay iyada oo mudadii shirwaynaha loo balamayna ay hadhsan tahay muddo 35 casho ah.