Muddaharaad ka dhacay Xaafadda Sh. Mubaarig oo ka dhan ah Xadhigga Suldaan Cali Saleebaan, Qaabkuu u dhacay & Doodda Booliska

0
698

Dadweyne ka gadooday xadhiggaa Xukuumadda Somaliland u geysatay Suldaan Cali Saleebaan ayaa saaka Muddaharaad balaadhan ka sameeyey Xaafada Sh. Mubaarig oo ka tirsan Caasimaada Hargeysa degmada Gacan-libaax.

Dadweynaha ayaa Taayiro ku gubay laba waddo oo Laami ah oo dhex maraa, Xaafadaas kuwaasoo midna Xaafadda Idaacadda u baxdo tan kalena suuqa weyn ee Hargeysa.

Dadka Mudaharaadayey ayaa ku dhawaaqayey halku dhigyo ay ku dalbanayaan in Xukuumaddu Xorriyaddiisa usoo celiso Suldaan Cali Saleebaan oo maalintii shalay Ciidammada Boolisku Xabsi u taxaabeen, kaasoo Afhayeenka Booliska Somaliland Faysal Xiis xalay sheegay inuu Denbi faraha kula jiray markii la qabanayey, iska caabbinna kala horyimi Ciidanka Ammaanka.

Hase-yeeshee, warar kale ayaa sheegaya in Suldaanka Ciidammadu dhaawcyo u geysteen. suldaan Cali Saleebaan waxa kamid yahay waxgaraadka gobolka Saaxil si weyn looga qadariyo, kaasoo waqti xaadirkana ku jiray guddida qaban qaabada Shirka Beesha Saaxil dhowaan ku qabsan doonaan Deegaanka Baxarasaafka.

Muddaaharaadkan, ayaa ciidanka bolisku uqabqabteen dad in kastoo tirada mudaaharaadkaa looqabay aaney jirin cid si rasmiya uga hadashay. wararka ayaa tibaaxaya in maanta galinkii danbe ay xasilooneyd goobihii saaka mudaaharaadka laga dhigayay.