Isu-soo-bax Lagu Naqdiyey Amar Lagu Soo Xidhay Suldaan Dhaq-dhaqaaqiisa Ay Xukuumaddu La Socotay

0
606

Waxaa Suldaankan Lagu Eedeeyey Abaabulka Shirka Baxarasaaf

Dadweyne ka gadooday xadhiggaa Xukuumadda Somaliland u geysatay Suldaan Cali Saleebaan ayaa subaxnimadii hore ee shalay jimcihii isugu soo baxay Xaafada Sh. Mubaarig oo ka tirsan Caasimaada Hargeysa degmada Gacan-libaax. Dadweynaha ayaa Taayiro ku gubay laba waddo oo Laami ah oo dhex maraa, Xaafadaas kuwaasoo midna Xaafadda Idaacadda u baxdo tan kalena suuqa weyn ee Hargeysa. Dadka Mudaharaadayey ayaa ku dhawaaqayey halku dhigyo ay ku dalbanayaan in Xukuumaddu Xorriyaddiisa usoo celiso Suldaan Cali Saleebaan oo maalintii shalay Ciidammada Boolisku Xabsi u taxaabeen, kaasoo Afhayeenka Booliska Somaliland Faysal Xiis markii la xidhay suldaankan la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu Denbi faraha kula jiray markii la qabanayey, iska caabbinna kala horyimi Ciidanka Ammaanka. Suldaan Cali Saleebaan waxa uu  kamid yahay waxgaradka gobolka Saaxil ee dhawaan soo baxa ah ama muddooyinkii u dembeeyey ku soo biiray saaxadda dhaqanka Somaliland.  Waqti xaadirkanna waxaa uu ku jiray  guddida qaban qaabada Shirka  Deegaanka Baxarasaafka.