Guddoomiyaha WADANI Oo Ishaaro San Ka Bixiyay Go’aanka La Filaayo Inuu Madaxweyne Siilaanyo Ka Gaadho Saami-qaybiga Golaha Wakiilada.

0
785

Madaxweyne Siilaanyo Go’aankii  Daahir Rayaale Oo Kale Ma Ka Qaadan Doona Doorashada Wakiilada, Mise Dibudhigis  Kale Ayuu Doorbidi Doona??

Kulamo ay dhawaan yeesheen hogaamiyayaasha saddexda xisbi qaran oo ku saabsanaa sidii xal looga gaadhi lahaa arrinka saami qaybsiga golaha wakiilada ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday kadib markii ay sheegeen inay arrintaas dib ugu celinayaan Madaxwaynaha Somaliland isla markaana ay diyaar u yihiin inay aqbalaan go’aanka uu Madaxwaynuhu ka qaato arrintaas.

Hay’adda ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF iyo Akaddimiyada Nabadda iyo Horumarinta APD ayaa dhamaan kulamadaasi goob joog ka ahaa isla markaana qayb ka ahaa falaqaynta dooda ku saabsan saami qaybsiga golaha wakiilada oo ah caqabadda ugu wayn ee hortagan qabsoomidda doorashooyinka golaha wakiilada.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo ka hadlay aragtidiisa ku aadan saamig qaybsiga golaha wakiilada ayaa sheegay inay asxaabtu wax go’aan ah ka gaadhi kari waayeen arrintaas, sidaasi daraadeedna ay ku celiyeen madaxwaynaha, gudoomiyaha oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“Waxaan doonayaa inaan inyar ka yidhaahdo arin maalmahanba socotay oo ah saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada, 28-kii bishii June waxa uu madaxweynaha Somaliland iskugu yeedhay qasriga madaxtooyada sadexda xisbi qaran waxaanu u soo jeediyey inay talo ka soo raadiyaan xalna u keenaan saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada ee doorashada 2017-ka.”

Sidoo kale gudoomiye cirro oo ka hadlaya kulamadii xisbiyadu ka yeesheen saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada ayaa waxa uu yidhi “Asxaabtu afar kulan ayey yeesheen waxaanayu ku shirayeen xarunta akadamiga Nabada iyo horu marinta, afartaas kulan markay yeesheen waxa noo cadaatay inaan xal loo helin arintaas,waxaanu isku waafaqnay shalay oo ku heshiinay sadexda xisbiba in arintii qudha ee madaxweynuhu soo dhiibay oo ahayd saami qaybsiga aanu xalkeeda ku celino madaxweynaha isaguna go,aan ka gaadho, wax kale oo arintaas weheliya madaxweynuhu noomuu soo dhiibin anaguna umaanaan celin, qodobka kale waxa weeyaan in xalka madaxweynuhu ka gaadho anaguna aanu aqbalno.”

Sidoo kale gudoomiye Cirro ayaa sheegay in arinta saami qaybsigu mudo soo socotay loona baahan yahay in xal laga gaadho waxaanu yidhi “ Arinta saami qaybsigu waa arin mudo soo jiitamaysay ilaa doorashooyinkii hore, waana arin u baahan in laysku soo jiido, waxaan rajaynayaa in eebe u fudaydiyo Madaxweynaha maadama oo isaga xalkii lagula noqday markii hore-na isagu noo soo dhiibay.”

Madaxwaynaha Somaliland oo isagu markii hore xisbiyada qaranka u soo gudbiyey inay xal ka gaadhaan saami qaybsiga doorashada ayaa la filayaa inuu go’aankiisu noqdo mid geesinimo ah oo uu xal u helayo saami qaybsiga ama inuu dib u dhig ku sameeyo doorashada golaha wakiilada.