War Degdeg ah: Shil Baabuur Ka Dhacay Degaanka Ceel-gaal Iyo Khasaare Ka Dhashay

0
860

Wararka hordhaca ah ee nagasoo gaadhay Degaanka Ceel-gaal ayaa sheegaya in goor dhoweyd halkaas uu ka dhacay shil baabuur kaddib markay isku dheceen Baabuur Boliis kuwa yaryar ah iyo Mid Xammuul ah.

Waxana Wararka hordhaca ahi intaas kusii darayaan in baabuurkan boliiska dhaawacyo kasoo gaadheen Taliyihii Qaybta Boliiska Gobolka Selel Gaashanle dhexe Maxamed Cilmi Yasiin  iyo Taliye-kuxigeenkiisii Gaashale Raage Muse Dirir iyo weliba wadihii baabuurkaas Maxamed Suge Muumin . Halka baabuurka kale ee xammuulka ah isaga aanay cidina wax ku gaadhin.

Waxana dhaawacyadan soo gaadhey Gaadhi gurmadka degdegga ah iyadoo loo qaaday dhinaca magaalada Saylac

Wararka aannu helnay ayaa intaas kusii daaya in shilkan ay sababtay iyadoo ay isku qariyeen roobab dabaylo wata oo ka dhacayay jiidahaasi

Dhinaca kalena saraakiishan boliiska ee dhaawacyadu shilkan kasoo gaadheen ayaa qayb ka ahaa Kormeer Badhasaabka Gobolka Selel Axmed Maxamed Xaashi labadii maalmood ee ugu danbeeyeyba uu ku marayey degaanno gobolkiisa ka mid ah xilliga shilkani la kulmayna ay ka tageen Laanta morohda.