War Deg Deg Ah: Axsaabta Qaranka Oo Madaxweyne Siilaanyo Dib Ugu Caliyey Go’aan Ka Gaadhista Saami Qaybsiga Kuraasta Wakiilada

0
773

Saddexda Xisbi Qaran oo muddooyinkii ugu dambeeyey ka arinsanayey, kana wada hadlayey xal u helida arinta saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada somaliland ayaa gaadhay heshiis ay madaxweynaha dib ugu celiyeen inuu go,aan ka gaadho saami qaybsiga kuraasta wakiilada.

 

Shir daba socday kulamadii hore ee ay yeesheen hogaamiyayaasha asxaabta somaliland oo shalay ka dhacay xarunta Akadamiga Nabada iyo Horu marka somaliland ayey hogaamiyayaasha sadexda xisbi isku raaceen inay arinta saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada dib ugu celiyaan  madaxweynaha somaliland si uu go,aan kama danbays ah uga gaadho.

Sadexda xisbi ayaa isku raacay qodobo ay sheegeen inay heshiis ku yihiin  kuwaas oo kala ahaa

1.  In arrinta saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiillada dib loogu celiyo madaxweynaha Somaliland, isla markaana madaxweynuhu go’aan kama dambays ah ka gaadho arrinta saami-qaybsiga kuraasta Golaha wakiillada iyo doorashada golaha wakiillada ee qorshaysan inay qabsoonto bisha march 2017-ka.

2. Waxa la isla qaatay in saddexda xisbi u hogaansamaan go’aanka uu madaxweynuhu gaadho ee khuseeya arrinta saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiillada Somaliland.

3. In Akaadamiga Nabadda iyo Horumarinta iyo dallada ururrada Bulshada(SONSAF) ay ku ilaaliyaan saddexda xisbi-qaran fulinta qoddobada lagu heshiiyey.

Dhinaca kale   ilo wareedyo u dhuun daloola kulamadii xisbiyada   ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiiyey in aanay Saddexda Xisbi isku af garan xal u helida arinta  saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada , isla shalayna Madaxweynaha dib ugu caliyeen si uu go,aan kama danbays ah uga gaadho.