Qaar Ka Mida Dadkii Laga Soo Qabqabtay Tuulada Lafo-Ruug Oo Xaaladooda Laga Dayrinayo, Hooyo 80-Jir Ah Oo Ku Jirta Iyo Hooyo Ummul Ah Oo Loo Diiday In Ay Ilmaheedii Nuujiso

0
668

Ehelada Dadka Xidhan Oo Shalay Ku Surbacaadsanaa Afaafka Hore Ee Saldhigga Macallin Haaruun Oo Walaac Ka Muujiyey Dadka Waayeelka Ah Ee Ka Xidhan Iyo Ilmaha Yar Ee Gaajoonaya

Ugu Yaraan 16 qof oo dorraad laga soo qabqabtay Tuulada Lafo-ruug ee Gobolka Saaxil, wakhtiganna ku xidhan Saldhigga Xaafadda Macalin Haaruun ee Bariga Caasimada Hargeysa ayaa qaar ka mid ah xaaladooda laga dayrinayaa kadib markii qaar ka mid ah dadkan shacabka ah ee la soo qabqabtay la xaqiijiyey in ay ku jiraan dad waayeel, caruur yaryar iyo hooyo ummul ah oo ilmaheedii oo dhawr maalmood jiray laga soo qabtay taasi oo ilmihii yaraa loo diiday in saldhigga loogu keeno oo ay nuujiso.
Wargeyska FOORE oo u kuur galay xaaladda dadkan shacabka ah ayaa waxa u suurto gashay in uu ka helo xogo dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda dadkaasi ku sugan yihiin. tirada dadkan shacabka ah ayaa lagu sheegay in ay dhan tahay 16 qof oo saddex ka mid ahi rag yihiin kuwaasi oo kala ah 13 haween ah iyo saddex rag ah oo laba ka mid ahi wiilal yaryar oo caruur ah yihiin halka qofka saddexaad uu yahay oday waayeel ah oo da’ ah. Arrinka argagax lihi waxa uu yahay in ay haweenkan 13-ka ah ku jiraan hooyo da’deedu kor u dhaaftay 80-jir oo xanuusanaysa aadna u jilicsan oo gurigeeda laga soo kaxeeyey iyo sidoo kale hooyo ummul ah oo kaliya saddex wiig ummul ahayd taasi oo ciidamada ammaanku ilmaheedii u diiday in saldhigga loogu keeno si ay u nuujiso naaska, marka laga yimaad in qaddar kooban shalay mar loo sii daayay markii dad ehelada ahi ilmaha yar saldhigga ugu keeneen balse ciidamadu amar ku bixiyeen in ilmaha marka ay nuujiso dibadda looga soo saaro oo gurigiisii lagu celiyo oo aanay u ogolayn in saldhigga ay ku dhex haysato hooyadu sidoo kalena aan hooyada loo ogolayn in la sii daayo.
Dadweyne gadoodsan ayaa shalay ku hor xoonsanaa saldhigga Xaafadda Macalin Haaruun ee Bariga Magaalada Hargeysa kuwaasi oo ka xumaa dadkan shacabka ah ee boolisku soo qabqabteen iyaga oo sheegay in dadkaasi aanay wax dambi ah gaysan ee ay ahaayeen dad shacan ah oo guryahooda iyo tuulada Lafo-ruug laga soo qabqabtay mar uu halkaasi socod ku sii maray kuna soo maray Madaxweynaha Somaliland markii uu dorraad jidka Xamaas dhagaxa dhigayay. Hooyada da’da ah ayaa la sheegay in ay qabto xanuuno, aadna u tabcaansan tahay, halka ninka odayga ah ee laba wiil waxa ragga ahna ku weheliyaa isaga laftiisu da’ yahay iyo dhammaan inta kale oo haween ah, waxaanay dadka ehelka ah ee dadkani ka xidhnaayeen aad uga walaacsanaayeen xaaladda hooyada umusha ah oo caanihii ku joogsadeen sidoo kalena ka werwersanayd xaaladda ilmaheeda yare e mujada ah ee aan wali anqaran cabitaan kalena aan qaadan Karin kaasi oo illaa markii hooyadii la soo kaxeeyey qaylo iyo ku xugan xaalad gaajo ah. Dorraad ayay ahayd markii uu Madaxweynaha Somaliland oo ka soo laabtay goobtii dhagax dhigga ahayd ee jidka Berbera iyo Hargeysa uu soo maray tuulada Lafo-ruug oo dadkii deganaa qaar ka mid ahi bannan bax ku muujiyeen cabashooyin ay qabeen iyaga oo markii uu Madaxweynuhu socodka ku soo dhaafay halkaasi ku gubay taayiro iyo walxo kale oo ay ku muujinayeen bannaan baxooda salmiga ah. Balse daqiiqado kadib markii uu Madaxweynuhu xagga Hargeysa u soo dhaafay Tuulada Lafo-ruug ay halkaasi ciidamadu dadkii tuulada ka soo qabqabteen una soo dhaadhiciyeen saldhigga Macalin Haaruun. Dad goob joog ahaa ayaa noo sheegay in dadkan la soo qabqabtay badankoodu aanay ahaynba dadkii mudaharaadka salmiga ah dhigayay ee ay ku jiraan dad waayeel ah oo guryahooda laga soo kaxeeyey.