Md. Baashe Oo Sheegay In Saami Qaybsigii Hore Ee Wakiilladu Aanu Caddaalad Ahayn

0
810

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa ka hadlay Arinta saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada somaliland iyo baarlamaanka ee soo socda.

 

Md. Baashe Maxamed Faarax oo la hadlay Bulshotv ayaa waxa uu sheegay in haddii xal laga gaadhi waayo saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada aanay diyaar u ahayn in doorashadooda la qabto, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Arinkaa saami qaybsigu wuu jiray laakiin wax waliba wakhtigiisa ayuu soo baxaa, arinkaasi waxa uu soo baxay wakhti dhawayd markii la damcay in la sameeyo sharcigii baarlamaanka, goluhu waxa uu diyaar u yahay inuu doorashada galo haddii saami qaybsiga lagu heshiiyo, haddiise lagu heshiin waayo cidii doorasho ku galaysaa iyada ayey jirtaa laakiin anaga waxa noo muuqata inaanay cadaalad ahayn in sidii hore lagu galo balse waa in lagu dhiiradaa saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada.”

Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa ka hadlay diwaan gelinta codbixiyayaasha iyo doorashooyinka oo la filayo inay ka dhacaan gobolka Sool waxaanu yidhi “Waxaanu rajaynaynaa in gobolka Sool ay doorashadu si wanaagsan uga dhacdo, dadkuna maalin uu uga diyaarsan yahay inay doorashadaasi dhacdo ma jirto waxaanan doonaynaa inay xukuumaduna waajibkeeda ka qaadato oo meelaha fog fog loo diyaariyo wacyi gelin fiican oo la siiyo  oo dadka  laga dhaadhiciyo faa,iidada ay diwaan gelintu leedahay, waxaanan uga digaynaa dadka doonaya inay carqaladeeyaan inay ka waantoobaan, ninkii rabaana uu codeeyo ninkii  aan doonayna aanu codayn balse aan dhiig la daadin ayaanu soo jeedinaynaa sida meelaha ay hada wax ka dhaceen ee Dhahar, dadkuna ikhtiyaar ayuu leeyahay laakiin in dagaal lagu soo qaado oo dhiig la daadiyo mid meesha ku jirta maaha, doorashadaasina way dhacaysaa ninkii rabaana wuu ku ridayaa kii kalan gurigiisa ayuu iska joogayaa.”

Sidoo kale Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka hawl galaan sidii gobolka Sool ay uga dhici lahaayeen diwaan gelinta iyo doorashooyinku, waxaanu baaq u diray dadweynaha gobolka Sool, waxaanu mar kale yidhi “Diwaan gelinta gobolka Sool iyana waxay bilaabmaysaa bisha August, waxanan filaynaa inay doorashadu si wanaagsan uga dhacdo, waanan tagaynaa kuna dedaalaynaa inay inta ugu badan doorashadu ka qabsoonto, dadka soolna waxaanu u soo jeedinaynaa inay doorashadaas ka qayb galaan, doorashadii hore ee baarlamaanka nasiib daro Laascaanood waxa haysatay Puntland sidaas darteedna doorasho lagama qaban karayn.”