Ciidamada Booliska Magaalada Hargeysa Oo Xabsiga U Taxaabay Suldaan Cali Saleeban Maxamed(Cali Qanjo)

0
834

Warar hadda nasoo gaadhaya ayaa sheegaya in goordhawayd ay ciidamada booliska caasimada hargeysa xabsiga u taxaabeen Suldaan Cali Saleeban Maxamed(Cali Qanjo) oo kamida madax-dhameedka somaliland gaar ahaana gobolka saaxil.

Waxaana suldaanka  sida naloo sheegay ay ciidamadu ka qabteen hotel ku yaala magaalada hargeysa iyga oo kaxeeyey uuna ku xidhan yahay saldhiga dhexe ee magaalada hargeysa.

Suldaanka ayaa isagu ahaa gudoomiyihii gudida qaban qaabada shirwaynaha la filayo inuu Beesha Gobolka Saaxil Uga furmo Deegaanka Baxarasaafka oo katirsan Degmada Laasgeel.

Ilaa hada ma jirto sababta rasmiga ah ee ka danbaysa xadhiga suldaanka balse wararka ayaa tibaaxaya in xadhigiisu salka ku hayo abaabulka shirwaynaha ka furmi doona deegaanka Baxarasaafka ee gobolka saaxil taasi oo mudooyinkii u danbeeyeyba ay xukumaddu u gaadhsi ku haysay cida kaste oo qayb ka ah qabsoomida shirkaasi.