Al-shabaab Oo Baahisay Wareysi Uu Bixiyey Nin Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Isku Qarxiyey Garoonka Muqdisho

0
845

“Raggii markay Qaadkaa Madhabka la yidhaahdo ee Itoobiya waxyar ka cunaba Wadnahaa is-taagaya, markaasaa lagu aasaa Xabaalaha Madhabka Ee Hargeysa Ka Samaysan…”

“Tolkay (Isaaq) Maskaxdoodii, Tarantoodii iyo Dhaqaalahoodii ba waxa la degay Qaad Itoobiya u samaysatay…” Ex- Xildhibaan Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado) – Wareysi

Idaacadda ku hadasha Afka Kooxda Al-shabaab ee Andalus ayaa baahisay in Qaraxyadii doraad ka dhacay Agagaarka Garoonka Aadan Cade ee Muqdisho uu Raggii fuliyay ka mid ahaa Xildhibaan Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado) oo ka mid ahaa Baarlamaanka Dawladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Idaacadda ayaa baahisay in Xildhibaankan hore uu Al-shabaab ku biiray bishii February 2010-kii, markaasoo uu ka tagay dhinaca Dowladda Somalia, wuxuuna sheegi jiray in dalka uu gumeysi ku jiro, sidaas awgeedna uu la dagalaamayo ciidanka ku sugan dalka ee AMISOM.

Saalax Babaado oo 57-jira ahaa, ayaa Warbaahinta Al-shabaab sheegtay inuu 1960-kii ku dhashay Degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag, Dugsiga Hoose/dhexe-na ku soo qaatay Magaalooyinka Sheekh iyo Ceerigaabo, halka uu dugsigii sarena ku dhamaystay Magaalada Hargeysa.

Ninkan fuliyey Weerarkii Al-shabaab ku qaadday Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, ayaa Wareysi Idaacadda Andulus la yeelatay ka hor intii aanu fulin Weerarradii doraad lagu qaaday Garoonka diyaaraha ee Muqdisho iyo Xerada AMISOM ee Xalane oo ay Idaacaddu baahisay Shalay wuxuu si gaar ah ugaga hadlay Dagaalka ka dhexeeya Islaamka iyo Gaalada, taasi oo uu sheegay inay tahay ta uu u daliishanayo inuu ku biiro Al-shabaab isla-markaana ka qayb-qaato dagaallada ay ku hayso Ciidammada AMISOM, aakhirkana uu isku qarxiyo Xerada Xalane ee AMISOM iyo Albaabka laga galo Madaarka diyaaradaha ee Muqdisho, “Waxa igu kalifay (Is-qarxintaan diyaarka u ahay) waxa igu duxay oo Fadliga Shahiidku leeyahay” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Anigoo doonaya inaan Cilmiga Diiniga ah barto ayaa Nin aanu Walaal (ku nahay Al-shabaab gudaheedu) ii keenay Koombiyuutar uu Axaadiis iiga soo buuxiyey, dabadeedna waxaan ku idhi Cilmiga Diiniga sow looma barto in Jannada lagu gelo, Haa buu yidhi..Haddaan Is-qarxin galo sow Jannada geli maayo ayaan ku idhi, haa buu yidhi…markaa Maalintaas oo ahayd 2012-kii ayaa iigu horeysay inaan ku tamaniyo inaan (Is-qarxiyo).. dabadeedna waxaan dhageystay Codka Nin la odhan jiray Bishaar oo Buula-barde ku laayey Gaalo badan, dabadeedna Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa ku idhi hala qaybiyo (Dadka is-qarxinta Qaabilsan) oo Is-qarxinta Odayaasha iyo dhallinyarada ha loo qaybiyo, markaas ka dib ayaa Walaaluhu (Al-shabaab) ii fududeeyeen (Is-qarxinta aan Maanta diyaarka u ahay).”

Saalax-badbaado oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in Shacabka Somaliland uu dhibaato ku hayo Qaadka laga soo waarido Itoobiya isla-markaana dhibaatadaasi ay ka mid yihiin Geeri badan iyo dhibaato dhaqaale oo saamaysay Miyi iyo Magaalaba, “Tolkay waxay noqdeen Daroogistayaal oo Qaad Itoobiya u samaysatay ayay wada cuneen. Maskaxdoodii, Tarantoodii iyo Dhaqaalahoodii ba Qaad baa la degay (Isaaq). Xoolihii Miyiga ayay ku qayileen, Miyi iyo Magaalaba Dadkii Ilkahaa ka daatay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Xabaalo la yidhaahdo Xabaalaha Madhabka ayaa Hargeysa ka samaysan, Raggii markay Qaadkaa Madhabka la yidhaahdo ee Itoobiya waxyar ka cunaba Wadnahaa is-taagaya, markaasaa lagu aasaa Xabaalaha Madhabka, Guurkiibaa la yaraaday, berigii hore marka Dadka la qiimaynayo waxa la odhan jiray Isaaq, Daarood iyo Hawiye ayaa ugu badan, laakiin waxaan qabaa Maanta in Isaaq ku dhow yahay Qabiilo yaryar oo Soomaaliya ka jiri jiray. Maxaa ugu wacan Guurkiibaa ka yaraaday, Qaad baa dhameeyay, Dad waalan baa Guryaha ku xidhan, Dadka Waalan ee Waddooyinka yaacaya, aniguna waan ku ogaa in Qaadku waalay Dadka (Reer Somaliland) imikana waa la iiga soo warramaa.”

 

Waxa kale oo uu ka hadlay, “Guurkiibaa ka yaraaday, waayo? Niman dibadaha iyo Dhulka gaalada ka yimid baa Guurkii qaali ka dhigay, Inantii Guur doon ahi Guur heli mayso, oo Inankii Guursan lahaa Inanta Goyn maayo, Waayo? Hooyadeed baa leh Labaatan kun oo dollar kharashkeedu ha noqdo.”