Xildhibaan Dheeg Oo Ku Baaqay In Somaliland Ay Xoogga Saarto Sidii Ay Wadamadda Jaar Ah Ugu Qancin Lahayd Aqoonsi

0
702

Xildhibaan Maxamuud Maxamed  Yaasiin ‘Dheeg” oo kamida xildhibaanada golaha guurtida Somaliland kana tirsan gudida arimha dibadda ee golaha ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan qaabka ay Somaliland aqoonsi caalamiya ku heli krto waxaanu soo jeediyay in xooga la saaro wadamada jaarka ah gaar ahaana Itoobiya iyo Kenya oo uu sheegay in dantooda ku jirto in Somaliland ka madax banaanaato somaliya.

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin “Dheeg” oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Geeska Africa ayaa waxa uu ugu horeyn yidhi.

“Somaliland markii hore waxay ahayd dal madax banaan iminkana waa dal madax banaan oo dhamaystiran oo xorriyadiisa kala soo noqday Somaliya kadib markii cadaadis, cabudhin dil iyo dhaawac badan loo gaystey dadkii reer Somaliland, hadana shuruud walba oo dawladnimo wanu buuxinay, waxa naga maqan oo qudha in beesha caalamku aanu ka helno aqoonsi,laakiin muhiimadu waa inaynu marka hore aqoonsi ka helno wadamada aynu jaarka nahay gaar ahaana Itoobiya iyo Kenya , maxaa yeelay labada dalba si toos ah ayay u garanayaan xadkeena iyo xuduudeena, waxay si toos ah u garanayaan inay Somaliland iyo somaliya laba dal kala ahaayeen iskuna biireen, waxay si toos ah u garanayaan in dantoodu ay ku jirto in Somaliland aqoonsadaan maxaa yeelay waax dan ah oo ugu jira somaliya iskugu tagto ma jirto, markaas waxaan leeyahay wadamadaas na aqoonsada oo na ictiraafa, Somaliland-na waxaan leeyahay ugu horeyn wadamadaas xooga saara si aynu danteena u gaadhno”