Waxgaradka Iyo Cuqaasha Adal Oo Taageero Weyn u Muujiyay Maal-gelinta Dekadda Berbera

0
847

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta gobollada galbeedka Somaliland ayaa sheegay in ay si weyn u taageersan yihiin mashruuca casriyaynta iyo balaadhinta dekadda Berbera, kaasi oo ay ku tilmaameen in uu ahmiyad u leeyahay dalka.

Waxaanay sheegeen waxgaradka iyo siyaasiyiinta goboladda galbeedku in maalgelinta dekadda Berbera ay faa’iido u leedahay dhinacyada koboca dhaqaalaha, shaqo abuurka, maalgalinta dekedaha kale ee dalka iyo helitaanka Ictiraafka ay umada reer Somaliland xaqa u leedahay ee kaga maqan caalamka.
odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta gobollada galbeedka oo shalay shir jaraa’id oo ay shalay ku qabtay Magaalada Boorama waxay ka hadleen ahmiyadda ay dalka iyo dadkaba u leedahay maalgelinta dekadda Berbera iyo sida ay iyagu u taageersan yihiin.

Mustafe Faarax Abraar, oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in maalgelintu ay ku taariikhaysan tahay tii ugu balaadhnayd ee dalka soo marta ee uu madaxwayne Somaliland soo maray hirgeliyo.
Waxanu yidhi “Waxaan soo dhawaynaynaa maalgalinta ay xukuumada Somaliland ku samaysay dekeda Berbera, waa furaha shaqo abuurka iyo kobcinta dhaqaalaha ee dalka. Waxaanay noqonaysaa mid taariikhi ah oo ku abtirsata tii ugu horaysay ee dalka Somaliland laga hirgeliyo, iyadoo markaasi ku dayasho mudan”.

Caaqil Siciid Daahir Bile, oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in ay madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisaba ku taageersan yihiin maalgelinta ay dekadda Berbera ku samaysay, isagoo xusay in madaxweyne Siilaanyo uu ku taagan yahay tubtii saxda ahayd ee dalka lagu hagayay.
Caaqilka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Madaxwaynaha iyo xukuumadiisa waxaan ku taageer sanahay maalgelinta ay ku sameeyeen dekeda Berbera. Waxaananu sheegaynaa in khayraadka dalku dadka ku filan yahay, isla markaana la wada leeyahay. Xukuumadana ay waajib ku tahay in ay khayraadkaas dadkeeda uga faa’iidayso. Madaxwayne Siilaanyo-na waxa uu ku taagan yahay tubtii toosnayd ee dalkan lagu hor marin lahaa, waanan soo dhawaynaynaa. Waxaanan leenahay Maalgelinta ha lagu daydo, oo ha loo ogolaado cid walba oo xaq u leh oo ku fikiraysa in ay ka qayb qaadato”.

Sidoo kale waxaa isna shirkaasi jaraa’id hadal ka jeediyay caaqil Cabdi Faarax Geelle, waxaanu fariin u diray shacabka reer Saaxil, oo uu u hoga tusaaleeyay ahmiyada ay maalgelinta dekeda Berbera u leedahay reer Saaxil iyo guud ahaan reer Somaliland.
Waxaanu yidhi “Maalgalinta dekedu waa horumar u soo biiray Somaliland oo uu Eebe garansiiyay in uu garto ahmiyadiisa madaxwayne Siilaanyo. Waxaanan leeyahay reer Saaxil, hore ayaa loo yidhi Dherri Ninkii U Dhaw ayaa Laf Kala Baxa. Dekedda faa’iidadeeda-na iyaga ayaa ugu horrayn helaya, ee waxa haboon in qujo-qujaynta laga dhaafo. Sidoo kale waxa dekedaha kale ee dalkana ugu jirta faa’iido ah in mustaqbalka la maalgeliyo, waana midaas mida aan xukuumada uga fadhinaa ee aan ka rabo ee ah in ay maalgelin ta Berbera la mid ah u soo raadiyaan dekedaha kale ee dalka, oo ay ugu horayso dekeda Lughaya iyo Saylac”.

Gebagabadii waxaa halkaasi ka hadlay siyaasi Cabdi Jaamac Caamir, ayaa maalgelinta dekadda Berbera ku tilmaamay furaha ictiraafka ay umada Somaliland xaqa u leedahay ee caalamka kaga maqan.

Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waa xaq in la soo dhaweeyo hormarkasta oo dalka laga sameeyo, waanan soo dhawynaynaa maalgalintan dekeda Berbera ee hormarka ah, waxana ay xudhun u tahay maalgalintani Ictiraafka ay umada reer Somaliland raadinayso, sababta oo ah marka ay maanta shirkado caalami ah ina maalgashadaan, waxay la mid tahay caalamkii oo ina maalgashaday.

Waxanay tani keenaysaa in dalkeenu caalamka ku xidhmo oo maalgashiyo kale oo caalami ah oo hormarka kaaba la helo, hadii indhaha caalamku na qabtaana waxa ay fure u noqonaysaa helitaanka ictiraafka ay umadeenu xaqa u leedahay ee caalamka kaga maqan”.