War Deg Deg Ah: Saddexda Xisbi Qaran Ee Somaliland Oo Go,aamo Ka Gaadhey Saami Qeybsiga Kuraasta Golaha Wakiilada

0
839

Saddexda xisbi qaran ee Somaliland Ee Kulmiye , Waddani Iyo UCID  oo mudooyinkii ugu danbeeyey lahaa Kulamo ay kaga tashanayaan sidii ay xal ugu heli lahayeen Saami qeybsiga Kursaata golaha wakiilada ayaa waxaa ay maanta go,aamo  ka gaadheen

Akadamga nabada iyo Horumarinta  iyo saddex  xisbi oo  arintaasi xalinteeda ku jiray ayaa waxaa ay xisbiyada qaranku sheegen in aanay heynin wax xal ah oo arintaasi lagu xaliyo waxaana ay soo jeediyeen in doorashada golaha wakiilad lagu galo sidii lagu galay sanadkii 2015 waxaana ay soo sareen Go,aamadan.

1 :In Madaxeynaha Jamhuriyada Somaliland lagu celiyo arinraasi si uu xal kama danbeysa ah uga gaadho isla markaana uu go,aan uga soo saaro

2 : In Saddexda xisbiba ay go,aankaasi madaxweynuhu soo saray sidiisa u aqbalaaan waxuu noqdaba

4 :In akadamiga nabada iyo horumarinta Somaliland ay ku dabo gasho saddexda xisbi fulinta go,aanka uu madaxweynuhu ka soo saaro