Prof. Samatar Oo Ummadda u Caddeeyay Wuxuu KULMIYE Kaga Fadilayo Axsaabta Kale

0
703
  • Samatar Waxa uu Sheegay In Markii uu Qiimeeyay KULMIYE Noqday Meesha  Uu Fadhiisan Karo.
  • Wuxuu Caddeeyay Inay Hoggaanka KULMIYE ku Heshiiyeen in la wada Yeesho Xisbiga iyo xukuumadda la dhisi doono.
  • “Waxaan Rabaa In Xisbigu Noqdo Wax Jira Oo Jiilashu Isu Dhibayaan Ee Aanu Noqon Meel Kolba Qofka Fadhiyaa Leeyahay”.
  • Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Somaliland, dhawaana ku biiray xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE, ayaa ka hadlay sababta uu ku xushay in uu ku biro xisbi tallada dalka gacanta ku haya iyo waxyaabaha uu ka aaminsan yahay Murrashax xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi.

    Prof. Samatar  waxa kale oo uu ka hadlay aragtida uu ka kala aaminsan yahay xisbiyada siyaasadda q Somaliland, kuwaasi oo uu sheegay inuu dha,maantood la wadaagay is xogwaraysi iyo sheeko, balse sababta uu KULMIYE ku doortay ay tahay waxqabadka muuqda iyo sooyaalkiisa taariikheed.

     

    Sidoo kale waxa uu  faahfaahin ka bixiyay sababta keentay in uu wakhtigan xaadirka ah ka mid noqdo jilayaasha siyaasadda Somaliland. “In aan ka mid noqdo jilayaasha saaxadda siyaasadda Somaliland waxaa igu dhiiri geliyay, dhawr amuurood oo isa soo galay iyo wakhtigaygii oo yimi, aniga oo ka fikirayay sidii aan uga qeyb geli lahaa tartanka siyaasadeed ee Somaliland.

    Qoddobka labaad ee igu dhiiri-geliyay waxa weeye, ardaydii jaamacadaha ka baxday iyo kuwii dhiganayay, haweenkii iyo ummaddii Somaliland oo nooc walba leh, oo mar walba wax iga waydiinaya maxaad ugu soo biiri wayday tartanka siyaasadeed ee dalka. Qoddobka saddexaad waxa weeye, markaan arkay tartanka dadka reer Somaliland ay kula jiraan dadka kale ee Soomaaliya iyo ummadaha kale ee geeska Afrika ku nool, tartanka horumar ee ay kula jiraan, anigana  ay masuuliyadi iga saaran tahay mar haddaan da’dan joogo, xoogaana aqoon bartay, waxaas oo dhammi markii ay isku biireen waxaan go’aansaday in aan ku biiro mid ka mid ah saddexda xisbi Qaran,”ayuu yidhi Prof. Axmed Ismaaciil oo waraysi muuqaal ah siiyay xafiiska warbaahinta ee xisbul xaakimka KULMIYE.

     

    Maadaama oo ay dalka ka jiraan saddex xisbi qaran, maxaa ku dhaliyay Prof. Samatar inuu ku biiro xisbi xaakimka Somaliland. “Saddexda xisbi qaran inta aan ka bartay waa saddex xisbi oo ay ku jiraan dad maamuus iyo sharaf badan leh, madaxdooda iyo dadka kale ee xisbiyadaas ku jira oo aanu aad u sheekaysaynay oo laba sannadood in u dhow aanu sheekaysanaynay, oo aanu iskula falan-qaynay xisbiyadu waxa ay yihiin, taariikhdooda iyo halka ay ku socdaan, markaa KULMIYE gooni ahaan waxaa i keennay in aan talladaa goosto, dhawr amuurood oo ay ugu horrayso waxa uu xisbigu soo qabtay muddadaa shanta sanno iyo dheeraadka ah ee uu tallada hayay oo aan darsay, markaa waxaa ii muuqatay wax badan oo la qabtay in ay jirto, isla markaana  ay xisbiga ku jiraan dad karti leh oo doonaya in dedaal cusub la galo.”

  • “Markaan darsay waxaa ii muuqatay wax badan oo la qabtay, markaa dawladda hadda joogta ee uu madaxweynaha ka yahay mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wax badan oo ay qabatay in kayd ahaan loo qaato oo ay noqoto jalkii lagu safrayay, ama waddooyin ha noqoto, ama cisbitaalo la hagaajiyay iyo magaalooyinka gudahooda oo dib loo dhisay ama ha noqoto dekedaa Berbera ee oo hadda gacanta lagu dhigay oo noqon doonta meel la tartanta wadamada Geeska iyo dalalka Khaliijka Carabta iyo fursado badan oo banaan oo wax cusub oo la soo kordhiyo, waxaan gartay markii dambe in ay tahay halkani meel aan fadhiisan karo oo aan aniguna aan  ka qeyb geli karo siyaadadda Somaliland,”ayuu ku sabobeeyay go’aankii uu KULMIYE ku galay.
  • Aqoon-yahan Axmed Ismaaciil waxa uu sheegay inuu KULMIYE kula heshiiyay in xisbiga la wada yeesho iyo haddii uu guulaysto dawladda la dhisayo, waxaanu yidhi  “Shayga ugu wayn ee aanu ku heshiinay waxa weeye in aan xisbiga ku soo biiro, oo wixii tallo iyo tusaale ah ee aan ku kordhin karaba aan ku soo biiriyo, waxaanu ku guulaysanay in xisbigu guulaysto oo aan si buuxda uga qeyb qaato dedaalada iyo ololaha loogu jiro in la guulaysto.

    Waxa kale oo aanu ku heshiinay wada yeelashada xisbiga, wadanka iyo xukuumadda la dhisayo marka la guulaysto ayaanu ku heshiinay in aanu wadaagno ayaanu ku heshiinay, halka laga dhaqaaqayaana ay noqoto waxa u danta ah Somaliland ee aan ahayn wax reer wato ama wax koox yari wadato, waxaanu ku heshiinay wada jirka Somaliland oo waxa ugu horreeya ee la qabto ay tahay oo dedaal iyo xoog cusub, waxaanu ku heshiinay caddaalad iyo karti in ay noqoto waxa lagu garto KULMIYE, arrimo badan oo noocaas ah ayaanu ku heshiinay.”

     

    “Aad baan ugu kalsoonahay in aan galo oo aan ka qayb qaato ololaha xisbiga KULMIYE, oo aan qayb ka qaato sidii ay u guulaysan lahaayeen murashaxiinta doorashada madaxtooyada ee xisbigu, sababta oo ah guushi maaha wax iyaga u gooni ah, laakiin guushoodu waa wax u gooni ah xisbiga, iyagu xisbiga uun bay wakiil ka yihiin, rayiga ay iibinayaana waa la wada leeyahay oo waa la wada nashqadayn doonaa, markaa kalsooni wayn baan ku qabaa raalina waan ka ahay in ay ka soo baxeen tartankii oo ay labadoodu murashaxiin u yihiin xisbiga KULMIYE,” Ayuu yidhi.

    Waxaanu intaasi raaciyay, “Laba amuurood ba waa masuuliyad aan doonayo in aan intii taagtayda ah wax ku soo biiriyo, taas oo aanu isla ognahay Muuse Biixi iyo madaxda kale ee xisbiga ba, midi waxa weeye, xisbiga dhismihiisa, wuu dhisan yahaye in la sii adkeeyo, oo dhalinyarro badan la soo galiyo, oo xisbigu noqdo wax jira oo jiilashu ay isu dhibayaan farriinta ee aanu noqon xisbi kolba qofka fadhiyaa uu leeyahay ama qabiil, markaa waxaan filayaa in aan qayb wayn ka qaato dhismaha xisbiga, ta labaad waxaan filayaa waddanka dhismihiisa, horumarkiisa iyo guusha xisbiga, haddii la guulaysto waan rajaynayaa in la guulaystee, waxay u taalaa madaxda dalka ee Muuse Biixi ugu horreeyo waxay iyagu is yidhaahdaan Samatar waxan ayuu idinla qaban karaa iyaga ayay taasi u taalaa, laakiin aniga Kartidayda iyo farsamadaydu sidaa uma sii badna, wax walba kuma wanaagsani, waynu eegi wixii la garto, laakiin xisbiga in la dhiso, doorashada ololaheeda in laga adkaado oo guul la keeno, xukuumad karti ku dhisan iyo caddaalad in la abuuro, waxaas oo dhan in aan ka qayb qaato ayaan doonayaa.”