Kismaayo oo laga waayay hal qof oo Luqada Faransiiska yaqana.W.q Qareen/ Khadar Aar.

0
959

Aduunkan aynu ku nool nahay waxa ku wada nool umada iyo dad yaw kala wada af ah,kala dhaqan ah isla markana kala diin ah,dadkasta oo Ilahay uu meel ku abuurayna waxa uu u sameeyay luqad iyo dhaqan ay kaga dumawan yihiin kuwa kale.

Qofkasta oo yaqaana luqad aan ahayn tiisa waxa uu noqonayaa qof aqoon dheerada iyo fahan dheerada u leh bulshadaasi uu luqadeeda yaqaano, marka ay ugu yar tahayna xataa waxa uu kaga nabad galayaa sharkooda iyo wixii ay u maleegi lahayeen.

Hadaba waxa aan dhagaystay Tv’ga Universal kadibna waxa uu soo dayay War uu ku sheegaayo in niman Kaluumaysata ah oo u dhashay Wadanka amma Jasiirada Comoros waa sida ay hadalka u dhegiine ,uu Nin ka mida dadka kalumaysatada ee reer Kismaayo uu ku arkay iyaga oo ku cadilan oo Doontii ay wateen ay kaga jabtay Xeebaha Kismaayo, kadibna uu soo jiiday iyaga iyo Doontoodiiba kenayna Magalada Kismaayo.

Dadkaasi oo ka koobnaa tiraba Shan qof ayaa waxa lagu hayay Magalada Kismaayo gaar ahaan Isbitaalka Magalada Kismaayo kuwaasi oo sida la sheegay lagu dawaynayay madama ay sida ay sheegteen ay muddo ku cadil nayeen Bad’waynta gudaheeda.

Sida ay ku warameen Mamul goboleedka Jubbaland gaar ahaam Poliska iyo hawl’wadeenada ku shaqada leh dadkaasi, ayaa waxa ay sheegeen in ay dadkani shanka qof ahi ay kasoo jeedaan Jasirada Comoros ,isla markana luqadaha ay ku hadlaan ay yihiin oo kaliay Luqada ay u dhasheen ee wadankooda iyo Luqada Faransiiska.

Hadaba waxyabaha aadka iiga yabiyay ayaa waxa ka mid ahaa ,markii aan TV Universal aan ka dawaday mid ka mida Ragaasi oo ku hadlaaya Luqada Faracsiiska, balse aanay jirin cid ka turjumaysa oo usoo gudbinaysa dad waynaha ninkaasi waxa uu ka hadlaayo, iyada oo dadka oo dhami ay jeclaan lahayeen in loo soo gudbiyo ninkaasi waxyabaha uu ka waramaayo ,madamaa Tv’ga uu Warku kasoo baxay uu yahay Tv ku hadla luqada afka Somaliga.

Waxaa isaguna qayb ka qaadanaya soo gudbin la’aanta Warkaasi aan lahayn wax turjumaana, Tv Universal oo aan marnaba iska xil saarin soo gudbinta Warkaasi in ay dadka usoo Turjumaan.

Taasi waxa ay ku tusinaysaa in Reer Jubaland aanay wax aqoona u lahay Luqada Faransiiska xataa hal kalmadna ha ahaate,waayo hadii ay jiraan dad faransiiska yaqana sida aynu ku naqano Aduunka qofka aan luqada wadanka u joogo aan aqoon waxaa loo raadiya Turjumaan.

Waxa aan qoraalkaygan kusoo gunanadayaa, waan ogahay in Dhul farabadan oo maanta ay Soamalidu ay dagto ay ka dhamadeen ammaba ay ka baxeen kana maqan yihiin dad badan oo si fiican u yaqaanay luqada badan oo Aduunka lagaga hadlo.

Hadaba waxa aan kula talinayaa Mamul Goboleedka Jubaland in ay arimahan oo kale marka ay soo gudbinayaa in ay markastaba diyaar sadaan qofkii turjumaanka ahaa ee dadka u gudbin lahaa isla markana faham siin lahaa waxa ay ka hadlayaan dadkaasi ajanabiga ahi.

Waxaa kaloo iyadana aan ku baraarujin lahaa Tv ga Universal in ay ka taxadaraan in ay soo Gudbiyaan Warar sidan oo kale ah iyaga oo aan dadkii dawanayay aan u samayn wax Turjumaana.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

https://twitter.com/khadar_aar

W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar