Xukuumadda Oo Sheegtay In Baadhitaan Lagu Samaynayo Hay’adda Nile Academy, Kana Hadashay Qaadka Miirooga Oo Hargeysa Suuq Looga Raadinayo.

0
755

Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay wararka sheegaya in Somaliland la keenayo qaadka Miirooga oo ka baxa dalka Kenya.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa xaqiijiyey iny jiraan kulamo ay xukuumaddu la yeelatay waftigii ka socday dawladda Kenya ee dhawaan dalka yimi isla markaana ay ka wadahadleen qodobo la xidhiidha sidii uu qaadka miiroogu suuq uga heli lahaa Somaliland, balse waxa uu beeniyey inuu jiro wax ay labada dhinac isla meel dhigeen, Sacad Cali Shire oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“wuu jiraa wati ka yimi waddanka Kenya khaastan gobolka Miroo, waxay u yimaadeen sidii ay suurtogal u noqon lahayd inay qaadka Miirooga keenaan Somaliland, dabcan waa dad wax iibsanayaa wax dambi ahna kuma jiro qoku inuu badeecadiisa suuq u raadiyo laakiin wax heshiis ah oo arrinkaas lagaga galay ma jiro, Arrimaha ictiraafka way soo hadal qaadeen khaastan ninka xildhibaanka ahi waa nin arrimaha Somaliland aad iyo aad uga hadla oo ay dhibaato ka soo gaadhay qoraaladii uu Somaliland ka qoray, arrinkaasi waa arrin gooni ah, arrinkaas Miiroogana codsi rasmi ah oo wax la isku waydaarsanayo oo la inoo keenay illaa hadda ma jiro”

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda oo wax laga waydiiyey hay’adda Nile Academy ee Somaliland ka shaqaysa isla markaana ay dawladdu Turkigu ka codsatay xukuumadda inay dalka ka saarto ayaa sheegay inay baadhitaan ku samaynayaan eedaymaha ay dawladda Turkigu u jeedisay hay’adda Nile Academy, kadibna tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono, wasiirka oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“Horta marka ugu horaysa Somaliland raali kama ah in la agambiyo cid uu shacabku soo doortay meeshii ay doonaanba ha joogaane, arrinkaas inaanu ka xunahayna waanu u gudbinay dawladda Turkiga cidii ehelkeeda iyo asxaabteedu halkaas ku dhimatayna waanu ka tacsiyeynaynaa, arrinka ku saabsan iskuulka, iskuulkani muddo ayuu halkan ka jiray sharci ayaanu ku joogaa oo u wax ku baraa, haddii ay jiraan eedaymo la xidhiidha inuu lug ku lahaa afgambigii Turkiga dabcan baadhitaan ayaa lagu samaynayaa sharcigu wuxuu yidhaahdana waa laga yeelayaa laakiin illaa la xaqiijiyo inuu ku xadgudbay sharciga iyo qawaaniinta wadankeena dee la iskama eedayn karo la iskamana saari karo markaa runtii arrinkaasi waa arrin sharci”.