Wada-Hadaladii Usocaday Waddani Iyo Isbahaysiga Kulmiye Oo La Soo Afjaray Iyo Isfahanka Labada Dhinac+Siyaasiyin Kale

0
763

Wadda-hadaladii U Dhexeeyey WADDANI iyo Garabkii Is-bahaysiga Is-badel-doonka KULMIYE Oo Guul-Kusoo Dhamaaday + Ismaaciil Buubaa, Axmed Mirre, Cali Sanyare, Ibraahim Dhega-weyne, aqoonyahan Maxamed Baruud Oo Ku Biiraya WADDANI.

Wadda-hadaladii u dhexeeyey Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI iyo Garabkii Is-bahaysiga Is-badel-doonka Xisbi Xaakimka KULMIYE, ayaa guul kusoo dhamaaday, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda si rasmiya

 loogu dhowaaqo inay wadda-haddaladii si guul ah ku soo dhamaadeen, isla markaana la guddo gali doono shaacinta xafladda ballaadhan ee xisbiga WADDANI u qaban doono siyaasiyiintan culus ee bulshadda Somaliland taageeradda balaadhan ku leh iyo miisaan culus ku leh.
Sida ilo xogogaal ahi shaaca ka qaadayaan, ayaa sheegaya inay si rasmi ah loo soo gabagabeeyey wadda-hadalada labadda dhinac u dhexeeyey, isla markaana ay guul ku soo dhamaadeen la iskula af-gartay qoddobadii labadda dhinac u dhexeeyey, waxaana wararku intaas ku darayaan in dhowaan lagu dhawaaqi doono qabanqaabadda xafladda balaadhan ee loo qabanayo siyaasiyiintan si ay ugu biiraan xisbiga WADDANI.
Dhanka kale, waxa iyaduna jidka ku soo jirta ku soo biirista xisbiga WADDANI siyaasiyiin magac iyo miisaan weynba ku leh oo ku biiraya xisbiga, siyaasiyiintan oo kala Ismaaciil Buubaa, Axmed Mirre, Cali Sanyare, Ibraahim Dhega-weyne, aqoonyahan Maxamed Baruud, iyo aqoonyahano badan.

Xigasho: Quman