“Faysal Wuxuu Ku Cel-celinayay Muuse Iyo Jamaal Waa Isku Reer, Isaguna Wuxuu Doonayaa Inuu Isa Soo Sharaxo Oo Isaga Iyo Cirro Miyaanay Isku Reer Ahayn” Mujaahid Cali Gurey

0
735

Guddoomiye kuxigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Yuusuf (Cali Gurey) ayaa ka hadlay go’aamadii ka soo baxay gudida diiwaangalinta ururada iyo sida ay dhankooda u dabaqayaan.

Mujaahid Cali Gurey oo Hargeysa warbaahinta kula hadlay ayaa ku dooday inuu yahay guddoomiye kuxigeenka saddexaad ee sharciga ah ee xisbiga UCID sida ay cadeeyeen guddida diiwaangalinta ururadu, waxaana uu sheegay inay gudidanu dan mooday in guddoomiyenimada Cali Gurey shirwayne lagu ansixiyo balse aanay meelna kaga qornayn sharciga xisbiga, waxaana uu sheegay inuu taasi aqbalayo oo aanu dood ka qabin. Cali Gurey oo arrimahaas iyo qaar kale oo sharci ahba ka hadlayaa waxa uu yidhi:

“Sharciyan guddoomiyaha saddexaad ee xisbiga UCID waa aniga haddii uu Faysal diido boqolkiiba konton ayuu Guddoomiye u noqonayaa UCID,shirwaynahana inaan isa soo sharixin ayaa laga yaabaa haddii ay isaga waxani la waawayn yihiin wuxu faysal ku cel-celiyey murashaxa KULMIYE iyo Murashaxa UCID ayaa isku reer ah, waxaana uu doonayaa ama lagu soo yidhi inuu is sharaxo, oo isaga iyo Cirro miyaanay isku reer ahayn maxaa midna ka dhigay xalaal midna xaaraan, haddii se ay jirto cid arrinkaas ka hadlaysa oo anaga dhinacayaga ahi rag bay yihiine xiniinyo haddii ay leeyihiin ha noo soo badheedhaan anaga maxay Faysal Cali Waraabe iyo Ciidagle ugu meeraysanayaan, maxay Cali Mareexaan ugu meeraysanayaan waar haddaad rag tihiin oo aad umadan danteeda ka talinaysaan ilmaadeer ayaynu nahay maxaad anaga noogu iman la’idihin”

Cali Gurey oo hadalkiisa sii wata ayaa ku hanjabay inay garabkoodu tallaabo kale oo dhinaca sharciga ah qaadi doonaan haddii ay garabka Faysal mar kale sharciga ku xad gudbaan waxaana uu yidhi “shirkaas haddii la qaban waayo oo sidii aanu ku heshiinay inuu u socdo anagoo hadana wacad dambe ku wada galnay inaanu shirkaas hirgalino ay geli waydo, sharciga hadana dhinac kale ayaanu uga wareegaynaa, kiis cusub oo rasmi ah oo aanu ku codsaynayno inaanu nahay laba dhinac sida ku cad go’aanka guddida oo dhinac kali ah xisbigii iska maamulanayo oo xafiisyadii iska maamulanayo oo lacagihii xisbiga iska maamulanayo waxaanu dalban doona in la xidho dhamaan xarumaha xisbiga”