Wasiir Xukumadda Siilaanyo Ka Tirsan Oo Muwaadin Kula Dagaalamay Magacayga Ha Iigu Yeedhin Ee Sacaadatul Wasiir Iigu Yeedh!!

0
763

Tii aad aragtaaba tii kale ka darane waxa ay noqotay dhacdo ugud ah kadib markii wasiirka wasarada ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland Md Xuseen Aadan Cige Dayr uu siyaasi Yuusuf Budle oo kamid bulshada reer Somaliland oo ay wasiirka aqoon durugsan isku laahaayeen kula dagaalamay saluug uu wasiirku ka muujiyay in aanu ninkaasi ku ixtiraamin xilka uu huwan yahay oo aanu ugu yeedhin sacadatul wasiir balse uu ninkaasi magaciiisa oo kaliya ugu yeedhay.

Falkan la yaabka leh oo todobaadkan ka dhacay caasimada hargeysa ayaa waxa dhacdadaasi ka waramay xoghayihii hore ee arimaha dibada xisbiga UCID wakhtigana ah gudoomiyaha urur siyaasadeedka NURP mudane Yuusuf Budle oo ay layaab ku noqotay waxii kala qabsaday mar ay iska soo hor baxeen Wasiir Xuseen Dayr.

Xoghayihii hore ee arimaha dibada xisbiga UCID mudane Yuusuf Budle oo falkan layaabka leh bulshada la wadaagay waxa uu kaga sheekeeyey qooraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay mareegta xidhiidhka bulshada ee Facebook waxaanu yidhi.

QISO MAANTA IGU DHACDAY:

Nin wasiir ka ah xukumadda hadda ee madaxwayne Siilaanyo oo igula dagaalamay maanta “ magacayga ha iigu yeedhin ee sacaadatul wasiir iigu yeedh” nin aanu aad saaxiibo u ahayn in badan wax soo wada cunay Ayaan maanta nasiib iska soo hor baxnay…. Waxaan ku salaamay “waar saaxiib……hebel bal iiwaran…… intuu is qaloociyay ayuu igu yidhi “Sacaatul wasiir maxaad iigu yeedhi wayday intaad hebel I leedahay”.

Intaan naxay ayaa ugu jawaabay “Waar niyaw wasiirnimada iyo buudhigaa madhan ma xiiseeyee warkaaga isii ma fiican tahay xaaskii iyo ciyaalkii ka waran?”.

Intuu ninkii giir iska kiciyay kulahaa “noocaagaasoo klaa dalka kharribaya . Walaahi inaan ku xidhaad istaahishaa”.

Waxaan xasuustay barri 1986-kii la igu xidhay hargeysa waxaad tahay kacaan diid, intaan qoslay Ayaan ku idhi waar markad hebel noqoto ayaynu is waraysane ,buudhigaas kacaanka ii saarnow, waan ka dhaqaaqay anoo qoslaya,markaan meesha ka dhaqaaqayba waxaan ku ducaystay illaahayow kalsoonida hanaga qaadin”.

Qoraalkan siyaasi Yuusuf Budle ku baahiyay degelka uu ku leeyahay barta ay bulshadu ka xidhiidho ee Facebook wax aka dhashay doodo iyo falcelimo aad u layaab badan iyada oo dad badanina aad ula yaabeen hab-dhaqanka wasiirkan oo kamid ahaan jirey qurba jooga taageera xisbiga KULMIYE muddo badan oo uu hargeysa ku sugnaa kadib xilka afhayeenimo ee madaxtooyada loo magacaabay markii uu xilkaasi iskii uga tagay afhayeenkii hore ee madaxtooyadu Md Axmed Saleebaan Dhuxul.

Wasiir dayr oo xilka wasaaradan kale kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradaasi mudane Qaasim ayaa lagu tilmaamaa mid kamida wasiirada ugu liita xukumadda madaxwayne Siilanyo lana filayo inuu kamid noqdo wasiirada seeftu sahayan doonto dhawaan kadib isku shaandhaynta balaadhan ee la hadal hayo inay dhawaan kasoo bixi doonto madaxtooyada Somaliland.

Wasiir Dayr ayaa la sheegayaa inuu aad uga xumaaday dhawaan markii uu ku guul darraystay inuu kamid noqdo waftigiii xukumadda madaxwayne Siilaanyo ee dhawrka jeer imaaraadka ugu safray heshiiska shirkada DP World balse laga tagay oo aan marnaba laga talo galin heshiiskaasi inkaste oo maandhaydka wasaarada uu masuulka ugu magacaaban yahay ay shaqadeeda kamid tahay maalgashiga caalamiga ah taasi oo muujinaysa miisaanka masuulkan dhalinyarada ahi ku leeyahay xukumadda uu xilka ka hayo.