Siyaasigga Cali-Gurray Oo Ka Hadlay Xukunkii Shalay Lagu Riday Dadkii Lagu Eedeeyay Inay Dilleen Taliye CASAYR

0
779

Sharcigu waa sharci cadaaladuna waa cadaalad laakiin marka hore baadhistu waa muhiim si runta loo gaadho yaa dhagar qabe ah oo qisaas dil ah mutaystay yaan ahayn oo ciqaab kale mudan. Sida imika xukunku u dhacay markay ugu yartahay sideed nin ay kuwada riday rasaasta tu ku dhacdayna waa la kala cadayn kari waayay. Hadii uu ku jiri lahaa mid la cadeeyay in isaga qorigiisa aan xabadi ka dhicin oo lagu dari lahaa xukunka dilka taasi qalad bay noqon lahayd waayo qori aan xabadi ka dhicin xabadiisu waxba in aanay dilin waynu wada garanaynaa. Hadii aan laba baadhin ee la yidhi wuu ku jiray kooxda iyaduna waa qalad. Qaladna ha iga fahmin gacan ku dhiigle dhagarqabe ah weligay ma daaficin mana daafacayo waxanse ka digayaa qof dembi aanu shakhsi ahaan isagu gelin loo qisaaso.