Qaban Qaabada Shirkii Baxarasaafka, Laba Suldaan Oo Ka Soo Jeeda Berbera Oo Burco Lagu Xidhay Iyo San-saan Ay Markale Isku Seegi Karaan Xukuumadda & Reer Saaxil Oo Muuqda

0
1021

Suldaan Cali Saleebaan Iyo Ugaas Cismaan Aw Ismaaciil Xaaji Xirsi Oo Ciidamada Boolisku Burco Ku Xidheen.

Qaban-qaabada shirwaynaha beesha Ciise Muuse ee Dan iyo Duco 2 ayaa si wayn looga dareemayaa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, waxaana haatanba soo baxay boodhadh uu shirkaasi ku xardhan yahay oo lagu baahiyey warbaahinta Internet-ka iyo baraha bulshada.
Xukuumadda Somaliland ayaan marnaba raali ka ahayn qabsoomidda shirkan maadaaa dadka abaabulaya badankoodu ka soo hor jeedaan maamulka gacanta ku haya dalka, sidoo kalena uu shirkani ka dhashay saluug ka yimi maalgashiga dekedda Berbera.

Geesta kale wararka ka imanaya magaalada Burco ee xarunta gobolka togdheer ayaa sheegaya in ciiidamada booliska gobolka togdheer ay xalay xabsiga u taxaabeen Suldaan Cali Salebaan iyo Ugaaska Beesha (dhogori) ugaas Cismaan Aw Ismaciil Xaaji Xirsi.

Ilaa hadda ma cadda Sababta Rasmiga Ee ka dambeysay xadhiga Waxgaradkan, balse ilo xogogaal ah ayaa tibaaxey in Suldaan Cali Salebaan iyo ugaasku ay Kamid ahayeen Guddida qabanqaabada SHIRKA BAXARO-SAAFKA ee ay dhawaan qabsanayaan Beesha Gobolka Saaxil.

Waxaaney maalmihii u dambeeyey waxgaradkani ay ku sugnayeen Magaalada Burco Ee Gobolka Togdheer oo ay ka wadeen hawlaha qabanqaabada Shirkaasi.

Waxaanu isku daynay in aanu wax ka waydiino taliyaha qaybta Bilayska Gobolka togdheer, Hase ahaate Noomay suurto galin.